WAJAALE NEWS

Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Ucid Ee Sweden Ikraan Cabdi Gadhle Oo Iska Casishay Xilkii Xisbigii Burburay Ee Ucid,.

Hargaysa(wajaalenews)Gudoomiyihii Garabka Dhalinyaradda ee Xisbigii Burburay ee Ucid Marwo Ikraan Cabdi Gadhle ayaa ku dhawaaqday inay iska casiishay Xilkii iyo xubinimadii xisbigaa, waxanay sheegtay inaan Meydka lasii dulfadhiyin ee La Aaso marka uu Dhinto. Waxa Kaloo ay Marwo Ikraan Cabdi Gadhle dusha u saartay Faysal Cali Waraabe inuu ka danbeeyey Burburkii ku yimi Xisbigii Ucid. Sidoo kalena Marwo Ikraan Cabdi Gadhle ayaa sheegtay inaay soo dhoweynayso wadahadallada u socda garabka xaqu-diirka ah ee Musharrax Jamaal cali xuseen hoggaaminaayo iyo laba xisbi ee dalka ka jira ee waddani iyo Kulmiye, waxanay soo dhoweysay in wada tashi iyo isku duubnaan garabkoodda iskugu biyo shubtaan meesha ay ka dhex arkaan inay qaranka dan u tahay. Marwo Ikraan Cabdi Gadhle Maxaanay Sidaa Ku sheegtay Mar Ay khadka Telefoonka Aanu Kula Xidhiidhnay waxanay hadalkeeda ku bilowday sidan. “sidii aanu hore-ba Maanta anagoo isku duuban Masuuliyiintayadii Wadanka Sweden ee Xisbigii Burburay ee Ucid u sheegnay waxanu iska casilay Xilalkii aniguna dadkaas ayaan kamid ahaa, waxananu aragnay inuu Dhintay xisbigii Ucid oo Gudoomiyuhuu Dilay, mana Jirto Sabab lagu sii Joogaa”. Marwo Ikraan Cabdi Gadhle oo aanu weydiinay Xisbiga ay ku biirayaan ayaa sheegtay inaanay ka hor-dhacay oo ay Sahanka la wadaagan Garabkooda uu Hoggaaminaayo Musharrax Jamaal Cali Xuseen waxanay tidhi “Hortaa waanu soo dhoweynaynaa wadahadallada garabka xaqa ah ee Ucid badbaadinaayey ee Musharraxayaguna hoggaaminaayo Md. Jamaal Cali Xuseen la fureen xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye oo runtii Maanta ah labada xisbi ee dalka ka jira, maadaama oo uu Burburay ama’se Dhintay xisbigii Saddexaad ee Ucid. Kolay talo iyo sahanbaa lagu guuri doonaa kii dalka iyo Mustaqbalka Somaliland aanu ka dhex aragno ayaanu dalka ku badbaadinaynaa”. Ayey tidhi Marwo Ikraan Cabdi Gadhle Waxanay intaa Raacisay in Xisbigii Burburay ee Ucid dalka iyo dadka u wadday Hoggaamiye Caafimaad qaba oo da’yar, kaasoo mustaqbalka Somaliland ku jiray. ” anigu waxanu wadnay hoggaamiye Caafimaad qaba oo dalka anfacaayey, markaa dhibaato badan ayaa loo geystay, laakin waxkastaa oo soo gaadha uu u da’yar yahay Jamaal Cali Xuseen wanan filaya inuu dhowaan Somaliland hoggaamin doono insha alla, Maanta’se waxa ku dhacay culeys badan halkii uu nagu hor galo ayaanu ku raacaynaa Ilahayna ha garansiiyo halka khayrku ku jiro” ayey tidhi Marwo Ikraan Cabdi Gadhle.

Exit mobile version