WAJAALE NEWS

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dib U Dhigay Dooddii Ay Maanta Ka Yeelan Lahaayeen Kiiska Qalbi-Dhagax

Muqdisho,(W,N)-Xildhibaannada baarlamaanka soomaaliya ayaa dib u dhigay dooddii ay maanta ka yeelan lahaayeen go’aankii ay xukuumada soomaaliya ka qaadatay kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya.

Guddoomiyaha gollaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa maalintii shalay sheegay in ajandaha kulanka maanta uu noqon doono doodda ku saabsan kiiska Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax iyo go’aanka ay ka qaadatay xukuumada.

Hasse ahaatee markii uu furmay kulankii maanta ayaa la sheegay in qaar ka mid ah xubnaha Aqalka sare soo jeediyeen in ajandaha laga saaro kiiiska Qalbi Dhagax, halka xildhibaanno kalena ka soo horjeesteen soo jeedinta dhinaca kale.

Buuq iyo jahwareer hadheeyay kulanka kaddib ayuu guddoonka soo jeediyay in cod la galiyo aragtiyada iska soo horjeeda ee xidlhibaannada.

21 Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa u codeysay in dib loo dhigo kiiskan, isla markaana laga saaro ajandaha maanta, halka 11 Xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in ajandaha kiiska C/kariin Qalbi Dhagax dib loo dhigay, illaa ay ka soo dhamaaneyso dooda Golaha shacabka oo wali uu kiiskan ka furan yahay.

Fadhigii Sabtidii aynu soo dhaafnay ayaa sidan oo kale waxaa dib u dhac ku yimid kulan ay arintan ka yeelana lahaayeen xildhibaannada gollaha baarlamaanka soomaaliya oo qaarkood xukuumada ku eedeeyay in ay si ku talagal ah u baajisay kulanka.

Exit mobile version