WAJAALE NEWS

Baarlamaanka Somalia Oo Magacaabay Guddi Soo Baadha Kiiska Qalbi Dhagax+Magacyada Guddiga

Muqdisho,(W,N) -Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa magacaabay guddiga ka kooban 15 xubnood oo baadhitaan ku sameyn doona Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax iyo go’aankii ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doono sidii warbixin buuxda loogu keeni lahaa golaha baarlamaanka isla markaana baadhis dheer oo cad loogu sameyn lahaa qodobada ay xukuumada Soomaaliya u adeegsatay Dhiibista C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Xog-hayaha guud ee golaha Baarlamaanka soamaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay magacyada iyo hab raac magacaabista guddigaan.

Sidoo kale xog-hayaha ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay shaqooyinka ay qabanayaan guddigaan iyo maalinta laga rabo iney warbixin usoo gudbiyaan golaha baarlamaaanka soomaaliya.

Akhriso Magacyada guddiga :

Exit mobile version