Jamhuuriyada Somaliland Maqasho Alle haw naxariistii waa Dhaxalkii uu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ka tegay, maalintii uu dhintay Somaliland waxay ahayd meel qofkaa hogaamin karo oo kor u socota, dadka sheega in Daahir Riyaale Kaahin oo Madaxweyne xun ahaa oo waxbaqaban cawo dhaladna Ku sheegay may fahmin ee wuxuu la mid ahaa nin Geel tooraynaya oo Cigaal tuumiyey waday, oo wuxuu raacayey habkii Ina Cigaal ka tegay doorashooyin aan dhiig Ku daadanna wuu qabtay dimuqraadiyadiina wuu hirgaliyay.
Hadda geedigii waa joogsday dib buuna u soo cadceedsaday, nabadgalyadii aynu samaysanay lagama faa,iidaysan oo horumar looma bedelin, dimoqraadiyadii waa qiilqiil, oo Xisbiyadii qaar qabaa,il leeyahay bay u sii ekaanayaan, qabyaalduna xadhkaha ayey goosatay. Kalsoonidii bariga ee kor u soo socotay waxaa saqiiriyey khiyaamada kulmiye iyo xukuumadiisa.
Hadaba tubraacii Ina Cigaal hal mida ayaa Siilaanyo looga shakisan yahay inuu ku tuuntuunsado.
Ina Cigaal qodobkiisa ugu wayni wuxuu ahaa inuu Askartii soo dagaalantay Siyaasada Somaliland ka sifeeyo, si looga baxsado wixii Muqdisho ka dhacay, wuuna ku guulaystay, waana sababta ugu weyn ee keentay in Somaliland ay dhidibada Aasato.
Xanta iyo Xanshashaqa Hargeysa ayaa wuxuu sheegayaa in Madaxweyne Siilaanyo uu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal kala mid yahay in aanu Somaliland Askartii soo dagaalantay u gacangelin dalka oo u tudho, iyadoo ay arintan sii xoojisay dib markii 3da Xisbi bilaabeen inay ka wada hadlaan dib u dhigistii Doorashada, oo ay ka dhex muuqanaysay xidhiihka daciifka ah ee Xukuumada iyo Xisbigeeda.
Waxaa laysla dhexmarayaa 2 aragtiyooda:
ARAGTIDA 1AAD:
Aragtida 1aad waxay leedahay mudadii Doorashadu dib u dhacaysay labada jeer, taas oo loogu talogalay in lagu fuliyo qorshe la doonayo in Somaliland lagaga samato bixiyo in taladeedu ay u gacan gasho Muuse Biixi Cabdi iyo askartii soo dagaalantay.
Aragtidani koobaad waxay leedahay qorshahan gundhigiisu waa in hogaaminta Somaliland Siilaanyo ka dib uu amba qaado Musharaxa Waddani Cabdiraxmaan Cirro. Waxaa la xaqiijinayaa in qorshahani uu si xawli ah u socdo oo Gobolada Badankooda ka dhaqan gashay siilaanyona raali kayahay.
Haddaba aynu fiirino gobolada dalka.
TOGDHEER:
Waxgaradka, Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta Barriga Burco badankoodu waxay durba aaminsan yihiin in aan dalka Askarta lagu aamini karin, dariiqa keliya ee furanina uu yahay Cirro lagu aamini karo, mudooyinkii la kordhiyeyna waxaa arintan iyo aragtidan lagu gaarsiinaayay shacabka.
GOBOLKA SOOL:
Gobolka Sool oo tiro aan hore looga barani iska diiwaangelisayna Maalinba maalinta ka dambeysa taageerada Muuse Biixi Dhulka ayey ku sii dhacaysaa, iyadoo ayaamaha soo socda la saadaalinayo in dad fara kutiris ahi ku soo hadhaan, imikana arinta Xil: Talyanle isasii kabaraacin doonto.
GOBOLKA SANAAG:
Gobolka Sanaag dadka Muuse Taageersani badankoodu waxay la aragti noqdaan Beelaha Bariga Burco iyo Sool, sidaas darteed taageeradiisu waxay u shiiqaysaa sida ay u shiiqday taageeradii uu ku lahaa Togdheer iyo Sool.
SAAXIL:
Gobolka Saaxil waa meelaha loo tirinayo in afweynta loogu rido Muuse Biixi si aada ugu sii naceen meesha uu iska taagay dhowr arimood oo ay ka mid tahay Dekeda, Airportka , saldhiga, warshadii shamiitada iwm.
GOBOLKA AWDAL:
Gobolka Awdal waa gobolada sidoodaba lagu xanto inay aad u taageeraan Xisbiga Waddani, si kasta oo Kulmiye u dadaalona Muuse Biixi Hogaankiisa 15 ilaa 20% cod ka badan lagama filayo inay siiyaan.
GOBOLKA MAOODI-JEEX:
Gobolka Maroodi-jeex iyo degaamada ku teedsan oo ah meelaha uu taageerada ugu badan ka filayo, ina welwelka waxay kala mid yihiin Gobolada kale ee Somaliland. Beesha BALIGUBADLE ayaa imika lagu tirinayaa in noqotay degel rog iyo galab carow ku jiraan, halka beesha Muuse Biixi laftirkeedu ay muhiimada kowaad siinayso nabadgelyada iyo danta Somaliland maadaama ay iyagu si gaar ah ugu badan yihiin maguurto ganacsato iyo mashaariiclay.
Xubno aad u culculis oo bulshada dhexdeeda sharaf iyo sumcad ku leh oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Culimo ayaa qaba fekerkii Ina Cigaal iyo Shiikh Ibraahim Madar ee ahaa in dadka iyo dalka laga ilaaliyo sidii Xamar kursi aan marna lagu aaminin Askarta.
Isku soo wada duubo qorshahani maalin kasta oo doorashadu dib u dhacdayba, wuxuu xaqiijinayay Guuldarada Musharaxa Kulmiye.
ARAGTIDA 2AAD:
Aragtida 2aad waxay sheegaysaa in Madaxweyne Siilaanyo marka la gaadho bisha tobnaad ee sanadkan uu xilka ku wareejin doono Madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, uu doonayo inuu sii dhamaystiro qorsheyaal caqabad ku noqon doona in Musharax Muuse Biixi uu kursiga Madaxtinimda ku fadhiisto, wuxuuna mar kale ku darsan doonaa sanad kale oo korodhsiimo ah si uu saylici wax ufahmo waa rabitaankiisee hadday sidaa aan soo dheegay udhacdo.
Si kastaba hayska ahaatee waxaa Muuqata isku xidhnaan la’aan Xisbiga iyo Xukuumada,Taageerada xukuumada la’aanteedna Kulmiye kuma guulaysan doono Kursi
QALINKII SIYAASI XAMSE XASAN CABDIRAXMAAN
Contact: xamse017@gmail.com