WAJAALE NEWS

Wax ka Baro Masuuliyiintii Soo Maamulay Xarunta komishanka Doorashooyinka S/land Kuwii Guulaystay Iyo Kuwii Guul-daraystay ? Qormada 2Aad,

Dib u Milicso kaalintii Xisbiyada mucaaradka kulmiye iyo ucid oo kaashanaya golaha wakiiladu ku lahaayeen guul-daradii ku dhacday komishankii doorashooyinka labaad ee s/land yeelatay!!

Wax Ka Baro Sooyaalka Todobadii Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Ahaa Ee Ku Guul-Darystay In Ay Dalka S/land Doorasho Ka Qabtaan

Ugu horayn waxaa Taariikhda ku xusan markii ay dhamaatay muddo Xileedkii Komishankii Doorashooyinka u horeeyay, waxay Maalin ku beegan 19/2/2007, 11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladu ay soo hordhigeen Golaha Wakiilada, Mooshin Ujeedadiisu daarayd in Laba Sanno loo kordhiyo Guddida Doorashooyinka Qaranka ee wakhtigoodu dhammaaday, fadhiga uu Gudoominayay Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) isla-maalintaas waxay Mudanayaasha Golaha Wakiiladu Cod u qaadeen Mooshinkaas, iyadoo golaha fadhiyaan 60 mudane, 36 xildhibaan ayaa oglaaday in Muddo Laba Sanno Xilka loo kordhiyo Guddida Doorashooyinka Qaranka wakhtigoodu dhammaaday,halka 4-xildhibaan ka diideen,19 Xilldhibaana ka aamuseen,Guddoomiyuhuna aanu codayn.

Mar kale Maalin ku beegan 2/6/2007 Golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa fadhigoodii ku ansixiyey 5 xubnood oo ka mid ah Todobada Xubnood ee Komiishankii doorashooyinka Labaad ee S/land yeelato,isla Golaha Wakiiladu waxay cod aqlabiyada ku horjoogsadeen 2 xubnood ee kale.

Fadhigan waxaa Gudoominayey Gudoomiyihii hore ee Golaha wakiilada Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi [C/raxmaan Cirro], waxaa madasha shirka ka soo xaadiray 67 Xilldhibaan, Gudoomiyaha gudida arrimaha gudaha ee Golaha wakiilada Md. Siciid Cilmi Rooble oo gudidoodu u xilsaarnaa baadhista CV-da Todobadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka, ayaa codeyntii ka hor Mudanayaasha hadal kooban oo uu u jeediyey ku sheegay in sadex xubnood oo ka mida Komishanka Dooarashooyinka ay taariikh nololeedkooda iyo CV-yadoodu ay iska hor imanayaan, waxayna Sadexdaa Xubnood kala ahaayeen.

Muuse Axmed Cumar [Muuse Madoobe], Maxamed Aw-Yuusuf Axmed, Maxamuud Cabdi Xaamuud.

Md. Siciid Cilmi Rooble waxa uu tilmaamay inay sadexdan xubnood aanay buuxin shuruudihii looga baahnaa.

Gudoomiyahii hore ee Golaha wakiilada S/land Md. C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in Ansixinta Komishankani fure u tahay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee soo socda, isla markaana Deeq Bixiyayaasha inaga sugayeen hirgelinta Komiishanka cusub. Gudoomiyaha Golaha wakiiladu waxuu intaas ku daray in ay lagama maarmaan tahay in golahani doorkiisa ka qaato Komiishanka Madaxweynuhu u soo gubiyey.

Iyadoo Todobadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka mid mid loogu codeeyey,waxayna Goluha Wakiiladu diideen in ay Ansixiyaan Labada Xubnood ee kala ah

  1. Muuse Axmed Cumar [Muuse Madoobe] oo ay ogolaadeen 35 Mudane, waxa diiday 11 mudane, waxa ka aamusay 18 Mudane
  2. Maxamuud Cabdi Xaamud [Nine] waxa ogolaaday 36, waxa diiday 6 mudane waxaana ka aamusay 24 Mudane.

Shanta xubnood ee kale oo la ansixiyey waxay kala ahaayeen.

  1. Maxamed Yuusuf Axmed, waxa ogolaaday 43 Mudane waxa diiday 1 Mudane, waxa ka aamusay 24 Mudane Gudoomiyuhuna muu codeyn sidaasaanu ku ansaxay.
  2. Maxamed Ismaaciil Maxamed [Kabaweyne], waxa ogolaaday 52 Mudane, cidi may diidin, waxaana ka aasmusay 14 Mudane sidaasaanu ku ansaxay.
  3. Jaamac Maxamed Cumar [Jaamac Sweden], Waxa ogolaaday 61 Mudane, cidi diiday ma jirto, waxaana ka aasmusay 5 Mudane, sidaasaanu ku ansaxay.
  4. Eng. Axmed Maxamed Xaaji, Waxa ogoladay 58 Mudane waxa diiday hal mudane, waxa ka aamusay 7 Xildhibaan, sidaasaanu ku ansaxay.
  5. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Waxa ogolaaday 54 Mudane, waxaa diiday 3, waxa ka aamusay 9 Mudane, sidaasaanu ku ansaxay.

Sidoo kale waxaa Taariikhda ku xusan in Khilaaf Cakiran oo ka dhashay ansixinta Labadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ahaa ay soo kala dhex galeen gudi is xilqaamay oo Hall-doorka Bulshada S/land ka mid ah,iyagoo dhex-dhexaadintii ay ka galeen Muxaafidka iyo Mucaaridka,ugu dambayn Gudidu u soo jeediyeen in mar Labaad Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Golaha Wakiilada hor geeyo.

Waxaase xusid mudan in Maalin ku beegan 28/8/2007 Xildhibaannada Aqalka Wakiiladu fadhi aan caadi ahayn Codka kalsoonida mar Labaad ugu qaadeen, Labadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ahaa ee hore u waayay Kalsoonida Golaha Wakiilada,waxaana fadhiga aan Caadi ahayn ka soo qayb-galay 70 mudane, waxa oggolaaday Muuse Axmed Cumar (Muuse Madoobe) 39 mudane, waxa Diiday 18, waxaana ka Aamusay 12, Guddoomiyuhuna ma codayn. Sidoo kale, Maxamuud Cabdi Xaamud (Nayn) waxaa oggolaaday 38 mudane, waxa Diidey 21, waxaana ka Aamusay 10,Gudoomiyuhu ma codayn.

Mar kale waxay Golaha Guurtidu dib u soo magacaabeen Labadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka, waxaanay Golaha Wakiiladu ku Ansixyeen Cod Aqlabiyad Labada Xubnood ayaa kala ahaa,Ismaaciil Muuse Nuur iyo Xasan Maxamed Cumar (looshade),iyadoo marka hore loo codeeyey Ismaaciil Muuse Nuur, waxaa ogolaaday 63 mudane, mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay,halka Xubinta Labaad Md Xasan Maxamad Cumar ( Looshade ),waxaa oglaaday 63 Mudane mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay oo Golaha Wakiilada ah.

La Soco Qormada Sadexaad Oo Tooshka Ku Qaban Doono Gunaanadka Guul-daradii Ku Dhacday Komishankii Doorashooyinka Ee Labaad 2007___ 2009

Qalinkii : Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Hargaysa S/land

Exit mobile version