Hargeysa(WJN)- Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Soomaliland oo ka qayb-qaadatay doodda oddoroska Miisaaniyadda 2019-ka ee Xukuumaddu u gudbisay golahaas, ayaa soo jeedisay in Xukuumadda dib loogu celiyo, maaddaama oo sida ay ku doodday fashil badan iyo ceebo kala duwani ka muuqdaan Shaxda oddoroska Miisaaniyadda.
Xildhibaan Baar Siciid, waxay sheegtay inay Miisaaniyadda 2019-ku ahayn mid Dalka iyo Dadka u dani ugu jirto haddii sidan lagu ansixiyo, isla markaana ay ka madhan yihiin in lacag loogu daro horumarinta, sidoo kalena lacagta loo qorsheeyey wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashadu liidato, meelo badan oo kalena qaawani miisaaniyadeed laga dareemayo.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka