WAJAALE NEWS

Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Iyo Murashaxa Xisbiga Kulmiye Oo Kulan Fool Ka Fool Ah Laysku Soo Hor fadhiisiyay Iyo Qodobo Laysku Mari Waayay,

Hargaysa (Wajaalenews) Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/raxman Suldaan C/laahi iyo musharaxa xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinkii shalay kulan foolka foola  ku yeeshay magaalada Hargaysa.

Kulankan oo ka dhacay guriga uu magaalada Hargaysa ka degen yahay Musharaxa      Xisbiga Kulmiye isla markaana ahaa mid aan loo ogolayn warbaahinta ayaa waxaa Qabsoomida kulankan ay jilbaha isku dareen labadan masuul oo mudo fiintu Kala dhex miranaysay ayaa waxaa agaasinkeeda lahaa sida ay xuseen xogahan aan ka helaynaa shirka Xubno ganacsato ah iyo siyaasiyiin ay isku beel yihiin labadan Masuul.

Dhinacyadan oo kala tirsanayay mudo dheer Qardoofooyin Badan ayaa dhinac kastaa soo qadimay dalabkiisa Kaasi oo keenay in ay  kala fogaadaan,

dhinaca Suldaanka guud ayaa isagu ka dalbaday Musharaxa Kulmiye in uu ka bogsiiyo nabaradii uu musharaxa Kulmiye u gaystay saldanada guunka ah ee beelaha Subeer Awal iyo sidoo kale in uu meel ku tiiriyo walaalkiisii uu midida ugu dhiibay ee uu hore ugu cumaaday Saldanada beelaha Subeer Awal oo ahaa nin ay qoys yihiin Suldaan Xasan.

Dhinaca Musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu ka dalbaday Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan qodobo ay ka muuqatay Baahi duruufaysan oo dhinaca siyaasada ah iyada oo qodobada ugu doorka roonaa ee Muuse ay ka mid ahayd in uu Suldaanku la hawl galo oo uu qayb ka noqdo Ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo xiligan waqti yari ka hadhsan yahay iyo sidoo kale in Suldaanku ka hawl galo sidii beesha madaxwayne Silaanyo uu ugu qancin lahaa inay codkooga  siiyaan musharaxa Kulmiye,

Ma cada in Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal aqbalay garawshiyaha shirkan garnaqsiga ahaa ee la isku soo hor fadhiisiyay lsaga iyo Musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isagu u muuqday mid gar iyo gardaraba u nuglaa in heshiis dhexmaro Suldaanka beelaha Subeer Awal.

Si kastaba ha ahaatee Garnaqsigan la iskugu soo hor fadhiisiyay Suldaanka iyo musharaxa Kulmiye ayay ilo wareedyadan ay helaso shabakadan wararka ee Wajaalenews tibaaxayaan in shirkani ku dhamaaday natiijo la,aan mana cada in waqti kale loo balamay iyo in sidaas uu ku dhicisoobay.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version