WAJAALE NEWS

Qarax Ka Dhacay Dalka Itoobiya Iyo Khasaare Uu Sababay

Addis.Abba(W,N)-Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in 13 qof ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday garnayl oo ka dhacay magaalada Jimma ee gobolka Oromia. Weli ma cadda cidda weerarka qaadday.

5 maalmood oo mudaaharaad ah ayaa gobolka lagaga dhawaaqay, kaasoo looga soo hor jeedo cashuurta lagu kordhiyey ganacsiyada yaryar, iyo xidh.xidhida siyaasiyiinta mucaaradka.

Meelaha qaarkood waxaa ka hirgalay mudaaaharaadka, ayadoo dukaamada la xidhay Iyo gaadiidka oo gabi ahaaanba joogsaday.

Qaar ka mid ah gaadiidka dadweynaha ayaa la sheegay in waxyeello loo gaystay.

Mudaharaadyo lagu dhintay oo ka dhacay gobollada Oromia iyo Amhara ayaa horseeday in la soo rogo sannadkii hore xaalad degdeg ah.

 

 

Exit mobile version