WAJAALE NEWS

Wefti Balaadhan Oo Ka Socda Imaaraadka Carabta Oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyay.

Hargeysa(Wajaalenews)- Wefti ka socda Imaaraadka Carabta, ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee Cigaal. Weftigan ayaa ujeedka socdaalkiisa lagu sheegay inuu darsayo xaaladdaha abaareed ee Somaliland si gacan ay uga gaystaan imaaraadku.

?

?

?

Waxaa weftiga madaarka Cigaal ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Amb. Baashe Cawil Cumar, safiirka Somaliland ee Imaaraadka oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, Mudane Keyse Guray, La-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah Amb. Cabdifataax siciid Axmed, Gudoomiyaha xafiiska diwaanka Sekada Sheekh Siciid Maxamed Daahir, iyo isu-duwaha xafiiska samafalka ee Wasaaradda dib u dejinta Somaliland.

Weftigan oo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay baaqii madaxweynaha Somaliland dhawaan u diray beesha calaamka iyo hay’adaha samafalka ee dhinaca Abaaraha la xidhiidh oo ay weftigii u horeeyey soo dirtay imaaraadka carabtu, ayaa safiirku ku soo dhaweeyey subaxnimadii hore ee maanta garoonka diyaaradaha ee cigaal international airport.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Safiir Somaliland Ee Wadanka Imaaraadka Carabta Baashi Cawil Cumar oo yidhi  “ Maanta farxad weyn bay  runtii  noo tahay inaan halkan kusoo dhawayno  Hay’adda  KHALIIFA FOUNDATION (Hay’adda Kheyrigaa ee Dawlada Imaaraadka Carabta), muhiimada hada ugu wayn ee ay u timi runtii waxay ahayd inay u kuur gasho xaalada abaareed ee dalka ka jirta,” ayuu yidhi Mudane Baashe oo intaas raaciyay in socdaalka weftigu jawaab u hayay codsi madaxweynu Imaaraadka u diray.

?

Waxa isna halkaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Waarada Arimaha Dibada JSL  Axmed Aadan Ismaaciil waxaanu yidhi “Fursadan annagoo ka faa’iidaysanayna uga  waxan u mahad naqaynaa Sayid Khaliifa Foundation yacni sida dhakhsaha ah ee ay qeylo dhaantii Madaxweynaha iyo Gudiga Abaaraha Gudoomiyaha u yahay Madaxweyne Ku Xigeenku ay uga soo jawaabeen, Waxay joogi doonaan hadii illaahay ka dhigo ilaa mudo ku dhow 20-cisho markaasoo ay indhahooda kusoo arki doonaan heerka ay gaadhsiisan tahay Abaartu saamaysay xoolaha iyo beeraha markaa runtii gadaal baanu ka sheegi doonaa meelaha ay tagi doonaan, iyagoo indhahooda kusoo arki doonaa waftiga kolay Media-hoodiina wata sida baaxada leh ee abaartu u saamaysay dad,  duunyaba iyo xoolaba, Marlabaad iyo mar saddexaadba waxaanu u mahad naqaynaa Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Sayid Khaliifa Foundation yacnii jawaabta ay kasoo jawaab bixisay sida ugu dhakhsiyaha badanle uga soo jawaabtay Dalabkii Madaxweynaha iyo qoraalka ahaa qeylo dhaanta ahaa iyo Gudiga Abaartaba ”.

Exit mobile version