WAJAALE NEWS

Magacyada Dadkii Lagu Laayay Deegaanka Bariire Ee Magaalada Muqdisho Iyo Ehelada Dadkaas Oo Diiday In La Aaso Maydadka

Muqdisho,(W,N) –10 qof oo rayid ah oo saddex kamid ah ay yihiin carruur ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada Somalia iyo kuwa Maraykanka ay ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Bariire ee Magaalada Muqdisho habeen hore.

Ehelada Dadkii Lagu Laayay beer ku taalla deegaanka Bariire, ayaa lasoo bandhigay magacyada dadkii lagu laayay hawlgalkaa.

Dhinaca kale ehelada dadkaas waxaa ay Sheegeen in aan la aasi doonin maydadka illaa ay Dowladda  Somaliya ay ka bixiso magdhaw.

Halkan ka akhriso magacyada 9-aal qof.

1:Cali Aadan Axmed

2: C/fataax Yuusuf Cabdi

3: Axmed Maxamed Yuusuf

4: Sanay Jaamac Warsame

5: Cali Cabdi Ibir

6: C/qaadir C/laahi Diiriye

7: Isaaq Cali Hanuun Dhalaweyn

8: Maxamed Tooxow Cabdi

9: Maxamed Axmed Cabdi

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa xaqiijiyay in howlgalkii ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ay fuliyeen ciidamada soomaaliya, isagoo xusay in baadhitaan uu socdo.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada somaliya oo howlgal ku jira ay rag hubeysan ay soo rasaaseeyeen, isagoo xusay in laga codsaday markii hore in hubka dhigaan, balse ay diideen.

Dhinaca kale War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal Ciidamada somaaliya iyo ciidamada maraykanku ay ku qaadeen agagaarka deegaabka Bariire ee magaalada muqdisho ay ku dileen siddeed xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada  Somalia Axmed Jimcaale Cirfiid, ayaa beeniyay war ka soo baxay saraakiil dowladda ka tirsan oo sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 8 ka tirsan al-Shabaab.

“Waxaan xaqiijinayaa in dadka dhintay ay yihiin rayid, haatanna maydkoodii wuxuu yaalla cisbitaal Muqdisho ku yaalla” Sidaas waxaa yidhi Taliye Cirfiid.

 

 

Xigasho, Hiiraan

Exit mobile version