WAJAALE NEWS

Maamulaha kastamka Wajaale iyo Hayadaha la Wadaaga Maamulka Oo ku Shuraakoobay Lunsiga Cashuurta Socdaalka Ajaanibka Ee lacagta Adag Lagu Qaado !!Xogo Dheeraada

Halka Ka Akhri Shaxda Saami Qaybsiga Ee Maamulaha Musuq-maasuqa Astaanta U Noqday Ugu Qaybiyo Hayadaha Dawlada Ee Kala Hawl Gala Kastamka Wajaale ( Maamulaha Kastamka Wajaale Ee Wasaarada Maaliyada 50 % Ciidanka  Ilaalada Cashuuraha Ka Siiyo 30 %  iyo Maamulka Wasaaradda Ganacsiga Ee Kastamka Wajaale Ka Siiyo 20 % )

 TOG WAJAALE(W,N) Tann iyo Maalintii dariiqa qaldan lagu soo magacaabay Maamulaha Kastamka Wajaale Axmed Xasan Jaamac ( Maal ) waxaa maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhayaysay Musuq+maasuqa Xakamaha goostay ee gaadhay heer la waayo Dakhligii Miisaaniyada ku jiray ee ka soo xeroon jiray Kastamka Wajaale .

Maamulahan Astaanta u noqday Musuq-maasuqa oo ah Masuul hore loogu riday Xukun Ciqaabeed uu ku mutaystay Xadhig Sannado ahaa Xukuumadii Madaxwayne Cigaal, ayaa noqday Macalin wayn oo loo dabo fadhiisto Musuq-maasuqa iyo Lunsiga Dakhli Cashuureedka Lacagta Adag ee ka soo xeroon jiray Kastamka Wajaale. 

Sidoo kale Maamulaha Kastamka Wajaale waxuu ka badheedha ulunsado Cashuurta Socdaalka Ajaanibka ee Lacagta Adag laga qaado, ee Dalka S/land baahida wayn u qabo, oo ka soo Xeroon jirtay Safarada Ganacsatada Itoobiyaanka ah wax kala soo dagta Dakeda Barbera ku yimaadaan Dalka S/land,Dirawliinta Gaadiidka iyo Dalxiisayaasha Faraha badan ee u Dalxiis taga Bada Magaalo Xeebeedka Barbera oo dhamaantood ay bixiya Cashuurta Socdaalka Ajaanibka ee Fiisuhu ku waajibtay, isagoo Maamulaha Kastamka Wajaale ka badheedhay in uu Qasnad gaara  ku leexsado Cashuurta Socdaalka Lacagta Adag ee Dalka S/land, iyadoo Hayadaha kale eea hawl gala Kastamka Wajaale” sida Booliska Ilaalada Cashuuraha Iyo Maamulka Wasaarada Ganacsigu Kastamka Wajaale ay kula Shuraakoobeen Lunsiga Dakhli Cashuureedka Lacagta Adag .

Mar kale Maamule Axmad Xasan Jaamac ( Maal ) ayaa ah Macalin Casharo dhanka Musuq-maasuqa iyo Lunsiga Dakhli Cashuureedka maalin kastaba siiya Maamulka iyo Shaqaalaha Hayadaha kale ee kala Hawl gala Kastamka Wajaale” Laanta Ganacsiga Iyo ciidanka Ilaalada Cashuuraha.

Sidoo kale Labada Masuul ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Booliska Ilaalada Cashuuraha u jooga Kastamka Wajaale ayaa Labadii Sannadood ee u dambeeyay noqday Arday Casharo badan oo dhanka Musuq-maasuqa iyo Lunsiga Dakhli Cashuureedka ah ka korodhsaday Maamulahan Astaanta u noqday Musuq-maasuqa , iyagoo kalsooni buuxa ku qaba Hanaanka saami qaybsiga ee ay kula Shuraakoobeen Maamule Axmad Xasan Jaamac ( Maal ).

 Iyadoo Maamulaha Kastamka Wajaale seeska u dhigay Hanaanka Saami qaybsiga ee Sadexda Maamul ee Wasaarada Maaliyadda Ganacsiga iyo Booliska Ilaalada Cashuuruhu u qaybsadaan Dakhli Cashuureedka lagu Lunsado Kastamka Wajaale,Halka uu  Maamulka Wasaarada Maaliyadu qaata 50 % ka mida Dakhli Cashuureedka laga Lunsaday Qasnada Dawlada , halka Booliska Ilaalada Cashuuraha uu siiyo  30 % ka mida Dakhli Cashuureedka laga Lunsaday Qasnada Dawlada , iyo  Maamulka Wasaaradda Ganacsiga uu ka siiyo 20% ka mida Dakhli Cashuureedka laga Lunsaday Qasnada Dawlada.          

 Ugu danbayn waxaa Bulshada Magaalada Tog-wajaale Yaabka yaabkii ku ah in Maayarka Dagmada Wajaale iyo Masuuliyiinta Dawlada hoose ee Wajaale ay ilaashan kari waayaan Dakhli Cashuureedka ay ku leeyihiin 10 % oo maanta hoos u dhac u wayni ku yimid.

 WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version