Hargaysa(W,N)-Wasiirkii hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta somaliland Maxamuud Jaamac Abgaal ayaa maanta si rasmi ah waxa uu u shaaciyay inuu ka baxay xisbiga muxifaadka ah ee kulmiye isla markaasina uu ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee waddani.
Siyaasi Maxamuud Jaamac abgaal ayaa soo bandhigay dhaliilo uu u jeediyay hogaanka sare ee xisbiga kulmiye iyo qorshaha ay ku doonayaan in ay bulshadda cod kaga kasbadaan oo ku tilmaamay inuu yahay mid bulshadda isku diraya.
https://youtu.be/nhw9pbt2sLE