WAJAALE NEWS

1,000 Qof Oo Ku Dhimatay Daadadkii Ku Soo Rogmaday Dalka Serra-leone

Hargaysa(W,N) –In kabadan 1,000 qof ayaa ku dhimatay daadad kusoo rogmay Magaalladda Freetown, ee caasimadda dalka Sierra Leone, sida afhayeen u hadlay madaxweynaha uu sheegay.

Dhinaca kale ugu yaraan 600 oo qof ayaa wali la raadinayaa, waxaa musiibada dalkaasi ay ku dhufatay muddo hadda laga joogo laba todobaad.

Madaxweyne Ernest Bai Koroma ayaa mar sii horreysay dalbaday ”kaalmo deg-deg ah” isagoo sheegay in musiibadan ay ku dhammaadeen bulshooyin dhan.

Guryo ayuu daadku Soo galay, meydad badan ayaana lagu arkay waddooyinka magaalladaasi. Khasaaraha ayaa la filayaa inuu intaasi ka kordho, iyadoo loo maleynayo in boqollaal meydad ah ay ku hoos jiraan dhismooyinka burburay.


“Arrinta waxaa lagu tilmaami karaa musiibo Qaran, qof kasta oo ku nool dalkan waxaa waajib ah in uu wax qabto”, ayuu madaxweynahu Yidhi.

Dowladdaha Gobolka ayaa dhankooda sheegay in la gar-gaaro dadkii musiibada ay saameysay, waxaana dowladda ay diyaarineysaa qorshayaashii loo wajihi lahaa dhibaatadda.

Exit mobile version