WAJAALE NEWS

Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale oo Canbaareyay Sida Waxashnimada Leh ee Xukuumadu Xabada Nool ula Dhacayso Ardayda Cabashada muujisay;

HARGEISA(Wajaalenews);Xildhibaan bashiir xuseen  ayaa canbaareeyay falkii foosha xumaa ee manta ka dhacay magaalada gabiley, arintaasi oo arday ka gadooday cadaaladaro lagula kacay macalin wax u dhiga kaasi oo goob uu ardayda waxku barayay xoog dawlada hoose kaga qaaday ayaa sobobtay mudaharaad xoogan oo magaalada gabiley gilgilay manta galinkii hore, halkaasi oo ciidamada boolisku dadka mudaharaadayay u a deegsadeen rasaas nool ,

xildhibaan bashiir

Hadaba xildhibaan bashiir xusen tukaale oo kamida mudanayaasha laga soo doorto gobolka gabileykana tirsan xusbiga mucaaridka ah ee wadani  ayaa xukuumada ku canbaareyay falkaa fooshaxun ee gabiley ka dhacay wuxuuna yidhi; waxaan aad uga xunahay sida arxandarada leh ee mamulku ula dhaqmeen dadkan shicibka ah ee tabashadooda muujinayay, caqliga saliimka ah magasho in arday yaryar lala dhaco xabad nool, taasi oo aan loo aabo yeelin, halkaa waxaa ka cad karti dara maamulka, gabiley ee garan waayay inay si naxariisleh ula dhaqmaan umadii soo dooratay.xilkana ay u hayeen,
Waxaan leenahay umada halga daayo falalka soo xasuusinaya taliskii siyaad bare cabudhin iyo caga juglayna mudo hore ayay umada ka dagaalantay,hana marina jidkii shalay siilaanyo ku caayijiray xukuumadii ka horaysay,isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi
Maamulka magaalada gabiley waxaan leeyahay ardayadu waa ubixii dalka ,waa mustaqbalii bari mana gayaan in xabadnool loo adeegsado ka waan toobo dhibta aad bulshada ku haysaan wixii laynii diraynay may ahayn inaad amaan xumo abuurtaane, waxay ahayd inaad amaanka sugtaan  ayuu yidhi xildhibaan bashiir xuseen tukaale
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA/SOMALILAND
EMAIL;wajalenews@gmail.com
 
 
Exit mobile version