WAJAALE NEWS

Shil Gaadhi Oo Goordhawayd Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kalabaydh Ee Gobolka Gabilay Iyo Khasaare Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhashay

Kalabaydh(Wajaalenews)Abaaro Labo saac ka hor ayaa waxaa duleedka magaalada Kalabaydh ee gobola Gabilay ka dhacay shil gaadhi oo naxdin leh oo sobobay khasaaraha dhimashada Hal qof halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale.

Gaadhigan oo ahaa nooca loo yaqaan V8 taarikadiisuna ahayd 81069 midabkiisun cadaan yahay ayaa sida ay wararku tibaaxayaan waxa uu ka baxay wadada laamiga oo ahayd meel goadad ah waxaanu ka soo laabtay dhinaca Ethiopia isaga oo ku soo jeeday Caasimada Hargaysa.

Waxaanay wararku intaas ku darayaan in qofka dhintay  yahay wadihii gaadhiga oo aan ilaa iyo hada la aqoonsan halka labada qof ee dhaawaca ahna ahaayeen labo qof oo ka yimid dhinaca magaalada Wajaale ayaa askari ka soo raacay dhinaca magaalada Wajaale.

Si kastaba ha ahaatee wadada isku xidha magaalooyinka Hargaysa iyo Wajaale ayaa arad badani ka muuqdaa iyada ay wadada dhexdeeda ka qodmeen godad waawayn oo inta badan Soboba shilal naxdin leh.

 

Exit mobile version