WAJAALE NEWS

Golayaasha Baarlamaanka Somaliland Oo kulan Xogwareysi ah La Qaatey Ururada Bulshada Rayidka ah.

Hargaysa(W,n) Golayaasha baarlamaanka somaliland ayaa maanta kulan xogwareysi ah la qaatey ururada bulshada rayidka ah kuwooda ugu tunka weyn (SOLJA, SONSAF, NAGAAD, ADAM, SOLLA iyo SONYO).

Kulankan oo qasdigiisu ahaa xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya ururada bulshada iyo baarlamaanka iyo sidoo kale in labada dhinac ka wada shaqeeyaan kobcinta iyo kor uqaadida aqoonta dadku u leeyihiin fahanka shaqada baarlamaanka.

Waxaa shirka furay mudane Abdiqadir Ismaciil Jirde oo ka mid ah mudanaaysha ugu khibrada badan golaha wakiilada ee hadda jooga, iyo guud ahaanba mudanayasha labada aqal ee baarlamaanka.

Mudane cabdiqadir wuxuu si hufan oo kooban uga sheekeeyey taariikhda sooyaal ee ay soo mareen aqalada baarlaamanka somaliland, habkooda shaqo, wajibaadka dastuuriga ah iyo caqabada hortaagan,, intaa ka dib waxa iyagu meesha ka hadlay mudanayaal tiro ah oo isugu jira labada gole baarlamaan, dhamaana waxay si kooban u taabtaaan waajibaadkooda shaqo iyo sida ay u gutaan, caqabad jira ee haysta baarlaamanku iyo iyo sidii loo abuuri lahaa xidhiidh adeg oo baarlamaanku la yeesho ururada bulshada iyo looga wada shaqeeyo hirgalinta fahanka dadka ee shaqooyinka baarlamaanka.

Waxaa isna lecture kooban ka jeediyey khabiir waayo aragnimo dheeri ah u leh ururada bulshada agaasimihii ugu mudada dheeree ee dalada ururada SONYO, Siciid Ahmed, wuxuuna la wadaagey baarlamaanka iyo ururada bulshada lecture si fiican u tilmaanaya wada ugu fudud ee loo abuuri karo xidhiidh adag oo isku haya ururada bulshada iyo baarlamaanka iyo sidoo kale wadada loo marayo sidii loo kobcin lahaa fahanka dadka ee arrimaha baarlaamanka.

Ugu dambeyn xubnihiii ka socday ururada bulshada waxay su’aalo faro badan weydiiyeen xildhibaanada, mudanayaashu waxay si hufan ugu jawaabeen dhamaan su’aalihii ay qabeen dadweynuhu.

Waxaa ugu dambayn baarlaamnku ugu bushaareyey ururda bulshadu inay dhawaan soo saarayaan buug ay ugu talo galeen ururada bulshada buugaas oo u sahli doona dadweynaha iyo ururada bulshadaba sida ugu haboon ee ay uga qaybqaadan karaan samaysan xeerarka golaha.

 

Exit mobile version