WAJAALE NEWS

Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Ku Sugnaa Saaxdheer Oo Buuhoodle Kusoo Ruqaansaday

Hargeysa(W,N)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Qaranka Somaliland eek u sugnaa jiidda hore ee Saaxdheer ay ku soo ruqaansadeen Buuhoodle oo ay ka dareemeen dhaq-dhaqaaq ciidan.

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa waxay dareemeen dhaq-dhaqaaq ciidan oo ah ciidamo maleeshiiyaadka Buuhoodle ee kasoo horjeeda wada hadalada Somaliland iyo kooxda Khaatumo kuwaas oo ay dabada ka riixayaan maamulka Puntland iyo horjooge ku xigeenka kooxda Khaatumo Cagalule oo ku sugan Muqdisho ,isla markaana gudaha Buuhoodle mudooyinkii danbe ka waday qabanqaabada shir ay ku qabanayaan Buuhoodle.

Magaalada Buuhodle iyo deegaanada ku xeeran ayaa xiisad ka taagan tahay maalmihii u danbeeyey,waxaana ciidamada Qaranka Somaliland ay hadh iyo habeen heegan ugu jiraan adkaynta nabadgaliyada gobolada Somaliland,waxaana ciidamada Qaranka Somaliland ay galeen heegan culus.

Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanay ogalaanayn marnaba in magaalada Buuhoodle lagu qabto shir lagaga soo horjeedo qaranimada Somaliland iyo shir lagaga soo horjeedo wada hadalada Somaliland iyo kooxda khaatumo.

Gabagabadiina ilaa hadda lama garanayo halka uu saldhigan doono xiisad ka taagan Buuhoodle iyo deegaanada ku xeeran.

 

Exit mobile version