WAJAALE NEWS

6 wiil Oo Walaalo Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Muqdisho,(W,N) – Lix wiil oo walaalo ah oo uu dhalay ganacsade lagu magacaabo Xaaji Gaaboow ayaa maanta lagu dilay magaalada muqdisho gaaar aahaan deegaanka Calamada.

Wiilasha ayaa la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen dad ka soo laabtay Aaska qof dumar ah taasoo ay qaraabo dhaw ahaayeen.

 

Dad ku sugnaa goobta uu falkan ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan oo gaadhi watay ay yimaadeen goobta uu Aaska ka dhacayay kadibna halkaa ay ku toogteen dhalinyaradan oo sida la sheegay wada saarnaa hal gaadhi.

 

Mid ka mid ah dhalinyaradan la dilay ayaa la sheegay in isagoo dhaawac ah uu isku dayey in uu ka baxsado goobta hasse ahaatee kooxda weerarkan fulisay uga daba-tageen dhulka Kenyta ah ee deegaanka Siinka dheer oo ay ku toogteen.

 

Kooxihii dilka geystay ayaa goobtaas ka baxsaday, lamana oga illaa hadda cida ay ahaayeen iyo sababta ay u laayeen Wiilasha uu dhalay ganacsadahu.

Goobta uu dilka foosha xun ka dhacay ayaa sidoo kale la sheegay iney tahay goobtii sanado ka hor lagu weeraray laguna laayey dhakhaatiir ajnabi ah oo u dhalatay dalka Siiriya.

 

Exit mobile version