WAJAALE NEWS

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Ka Dayriyey Xaaladda Xuquuqal Insaan Ee Somaliland Ka Jirta Xilligan

Hargeysa(Wajaalenews)-Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliland ugu jira Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa dhaliilo xoogan usoo jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ku tilmaamay mid ku tumanaysa Xuquuqal Iinsaanka Somaliland ka jira.

Mudane Siciid Cilmi Rooble oo warbaahinta La Hadlay, ayaa sheegay xukuumaddan talada Haysaa ay caado ka dhigatay Xadhiga iyo tacaddiga shakhsiyaadka waddanka u dhashay, isla-markaana ay sifo sharciga Baalmarsan uxidho cidkasta oo ka hortimaadda.

“Nimanyaw waxaynu maraynaa meel adag, halkii ugu xumayd ayaynu maraynaa, RRU-dana waan Cambaaraynayaa, Cida lacagtooda bixisaana waxaan leeyahay Jara, cid alle iyo cid amartana la garan maayo” ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.

Siciid Cilmi Rooble waxa uu tilmaamay in dhaliisha golaha uu ka tirsan yahay ee ah inaanay difaacin Xuuqda isaanku tahay mid aan gar ahayn maadaama iyagiiba la xidhayo “Anagu maxaanu samaynay, Golihii baa la qabsaday oo Ciidan lagu teediyay, waxaanu ku haddalay Hotel ka dibna waxaanu nidhi aynu shucuurteena muujino, qori maanu sidan, Xildhibaano ayaanu ahayn, dadkayagii oon taageeradooda haysano ayaa nadaba socday sidaas baa Ciidan naloogu wareejiyay, Caddaaladda aad doonaysaan waa maxay marka kuwii kaa qaban lahaa gudaha la dhigay ee ay 8 Saacdood xidhnaayeen” ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.

Mudane Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay in markii uu Kulmiye ahaa uu islahaa qaran dhisa oo heer gaadhsiiyay islamarkaana ay sameeyeen Barnaamij balse wixii ay wakhtigaasi wadeen kaliya laga qabtay intii uu Maxamed Xaashi qabtay markii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda“waxaanu barnaamij Qaran dhisa baanu islahayn laakiin intii Maxamed Xaashi sameeyay uun baa laga qabtay Barnaamijkii” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu Xukumadda ku eedeeyay inay mudnaanta koobaad siiso Halka ay lacag ka helayso “Barnaamijkii inta la iska laabay uun baa Lacag loo leexday,Wax Citiraaf ka sheekeeyaa ma jiro,wax xuquuqal iisaan ka sheekeeyaa ma jiro,wax Darbi jiif ka sheekeyaa ma jiro, wax ka sheekaynaya Mastaqbalkii dhalinyaradaas iyo dadkaas maalin walba tahriibaya ee maalin walba madhaya ma jiro.Wuxuun baa la odhanayaa xagee lacagi taalaa,Turkiga ina geeya,halkee Lacagi taalaa Faransiiska Ina geeya, Dawladdeenu waxa kaliya ee ay taqaano ee ay Mudnaanta siisaa runtii waa halka ay lacag ka helayso uun.halka dalkani dal ka noqonayo ee dadku dad ka noqonayana isma lihi habeen baa laga hadlay”

 

WAJAALENEWS DESK

 

 

Exit mobile version