WAJAALE NEWS

Xukuumada Oo Quful Saartay Xafiiskii Ka Garnaqa Dacwadaha Dhulka Kadib Xukun Ay Kasoo Saareen Dacwada Beerta Agoontii Muj’ Axmed Jimcaale

2-9 Hargeysa(Wajaalenews)- Wasaarradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa hor istaagtay go’aan fulin ah oo ay guddida ka garnaqa dacwadaha dhulka ee Gobolka Maroodi Jeex kasoo saareen muran ka taagnaa dhulka Beertii Agoonta Muj. Axmed Jimcaale Guulleed kaasi oo hawl gal awood xoogan lagu fuliyey lagaga bineeyey dhisme. Wasiir ku xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Jaamac Cabdillaahi Biin oo qoraal kasoo saaray xafiiskiisa ayaa gebi ahaanba ku hor istaagay go’aankii ay guddida ka garnaqa dacwaduhu soo saareen kaasi oo agoonta Ilma Axmed Jimcaale u madax banneeyey mulkiyada dhulka ay aabahooda ka dhaxleen,isla markaana dacwaysanta qaybta ka ahayd dacwadaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay dooddeeda iyo dacwadeeda iyada oo ay guddidu ku amartay in ay bixiso wixii kharashaad ahaa ee dacwadaasi kubaxay. Haddaba, markii xukunka guddidu soo baxay kadib waxaa wasiir Jaamac Biin oo food saaro kadhiganaya shaqada guddida uu qoraal amar ah oo uu u kala diray hay’adaha ay khusayso ku sheegay in laga soo cawday shaqada gudidan isla markaana cabashadoodu badatay sidaasi darteed uu amar ku bixiyey in shaqada laga joojiyo isaga oo ku dooday in ay marka hore ku meelgaadh ahaayeen.

Waxaana taas badelkeeda amray in wixii dacwado ah ee ay guddidu gacanta ku hayso laga wareejiyo.

Waxa kale oo sida warqadda wasiir biin ku cad uu amray in wasaaradda arrimaha guduhu ay shaqadii gudida u soo igmatay garyaqaankooda oo uu magac dhabay.

Nuxurka go’aanka ay guddidu soo saaren ee wasiir Jaamac Biin Saluugay
 

Guddidani go’aanka ays oo saareen oo qayb ahaan aanu halkan idiinkus oo bandhigayno waxaa uu u dhignaa sidan:

Jamhuuriyadda Somaliland

Guddida dacwadaha dhulka ee gobolka Maroodi Jeex

Ref: GGDH/MJ/41-17/G-260/2017

Dacwoodayaal: Ilma Axmed Jimcaale = Degen Hargeysa

Wakiil: Jamaal Axmed Jimcaale = Degen Hargeysa

Qareen: Maxamed Jaamac Cabdi= Degen Hargeysa

Dacweysan: Kashmiira Cabdi Nawaal = Degen Hargeysa

Ujeedo: Go’aan Koobid Dacwadda dacwoodayaasha iyo dacweysanaha GGDH/MJ/41-17/G-260/2017

Qareenka wakiilka dacwoodayaashu waxa uu guddida u gudbiyey arjiga dacwad furashada ah ee ku taarikhaysan 22/01/2017, kaasi oo ujeedadiisu yahay dacwad dhul dhan 72x30m iyo 36x30m, arjiga qareenka oo nuxur ahaanu qoran sidan:

Dacwoodayaasha aan qareenka u ahay waxa ay beer soo jireen ahayd haddase qorshe gashay oo dhisantay intii badnayd ku leeyihiin degmada Ib/koodbuur ee xaafadda Guul alla, qaybta B. Dhulkan ooleh taariikh fog waxay dacwoodeyaashu u haystaan dhukumenti maragyo ku filan cadaynta lahaanshiyahooda, waxayna ka dhaxleen aabahood sida waafaqsan Qododobka 723aad ee XM ku mulkiyey.

Waxay Maalin dhawayd ogaadeen oo guddida fulinta ee caasimada u qoreen dacwaysanta qoraal ay sheegeen in ay ugu madax banaanaynayaan dhulka ujeedada ku sheegan oo aanay xusin isla qoraalkoodana ku sheegin jihooyinkiisa, balse ay ku sheegeen in uu ka baxsan yahay beerta dacwoodayaasha, marka ay sidaas leeyihiin waxa is weydiin leh halka ay u yaqaannaan beerta dacwoodayaasha iyo cabirka ay u yaqaanaan.

Dhulkan shaki kuma jiro in uu ka tirsan yahay beerta dacwoodayaasha, waxaana sidaasi lagu caddeeyey qoraal rasmia h oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha JSL, ilaa heer degmo ee xafiisyada dalka ee ay khusayso kuwaas oo lagu sugay in dhulka galbeed kaga teedsan laamiga ee hadda ay degen yihiin sandaqaduhu uu yahay beertii dacwoodayaashu ay ka dhaxleen aabahood Sh. Axmed Jimcaale.
Sida ku cad qoraalo aanhelay waxa lagus heegay in dacwaysantu ay dhulkan sharci u samaysatay dhawaan oo ah 2006, xilliga faylashaasi soo baxeen waxaa jiray go’aamo dhaqan gal noqday oo ka horreeyey laguna amrayo in isla dhulkan l loogu fuliyo dacwoodayaasha. Go’aankaas waxa qaarkood ay kasoo baxeen sida aan guddida tusi doono guddida fulinta ee Dawladda hoose ee Hargeysa,taasina waxay waxba kama jiraan ka dhigaysaa go’aanka guddida fulintu ay hadda soo saareen ee ku amraya in dhul loo fuliyo dacwasnta. Waxaa kale oo meesha ka saaraysaa sheegashada aan jirin ee dacwaysanta iyo in dhulku ka baxsan yahay beerta dacwoodayaashu sida dacwaysantu ku doodayso.

Dacwoodayaashu waxay dhulkooda ku cadaysanayaan qoraallo rasmi ah iyo maragyo intaba, waxay haystaan xataa go’aamo awood fulineed leh.

Dhulkan dulucda dacwadda u ah oo ku yaalla degmada IB/koodbuur, Guul Alla, kana tirsan beerta dacwoodayaasha waxaa uu leeyahay soohdimahan: Waqooyi: Laamida Boorama iyo Hargeysa, Bari: Dhisme, Galbeed: Wado, Koonfur: Dhul Bannaan oo ay dacwoodayaashu leeyihiin.
Sidaasi darteed waxaan guddida sharafta leh si xurmo leh uga codsanayaa: inay dacwoodayaasha dhulkooda u xukumaan iyo inay kharashka dacwadda saarto dacwaysanta.” Ayaa lagu yidhi arjiga dacwad furashada ah ee Qareenka wakiilka ka ah dacoodayaasha beertani u gudbiyey guddida dacwadaha dhulka ee gobolka Maroodi Jeex, garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi.

Arjigan oo qayb ka ahaa warbixin 8 Bog ah oo ujeedadeedu lagu soo goobay dacwaddan, kaasi oo ay guddida ka garnaqa dacwadaha dhulkuna ku lifaaqeen Warqad 9 bog ka dhigaysa warbixnta oo xambaarsan go’aanka ay guddi ahaan kasoo saareen maxsuulka dacwaddan, go’aankaas oo ay guddidu kusoo saartay xukun shan qoddob ka kooban. Waxaana xukunku u dhignaa sidan:

Jamhuuriyadda Somaliland

Magaca Ummada Somaliland

Guddida ka garnaqa dacwadaha dhulka gobolka Maroodi jeex Lr. GGDH/MJ/41-17/260/2017.

Dacdooayaasha Ilma Axmed Jimcaale waxa loo xukumay dhulkii ay kusoo dacwoodeen ee Cabirkiisu yahay 72x30m iyo 36×30, jihooyinkiisuna kala yihiin Galbeed= Laamida Boorama iyo Hargeysa, Galbeed: Waddo, bari: Dhisme, Koonfur: Dhisme, kuna yaalla degmada Ib/koodbuur, xaafadda Guul Ahha, qaybta B.
Dacwaysanta Kashmiira Cabdi Nawaal: Way weyday dhulka lagu soo dacweeyey ee cabdirkiisu yahay 72x30m iyo 36×30, jihooyinkiisuna kala yihiin Galbeed= Laamida Boorama iyo Hargeysa, Galbeed: Waddo, bari: Dhisme, Koonfur: Dhisme, kuna yaalla degmada Ib/koodbuur, xaafadda Guul Ahha, qaybta B.
Kharashka dacwadda waxaa la saaray dacweysanta sida waafaqsan qoddobka 28aad(5) ee Xeer No: 17/2001, oo la la akhriyo qoddobka 10aad farqaddiisa 2aad ee XHM.
Ciddii ku qanci wayda waxaa u furan inay muddo 30 cisho ah gudahood racfaan ugu qaadato, maxakamadda sare ee JSL, si waafaqsan qoddobka 28aad (5) ee xeer No: 17/2001 oo lala akhriyo qoddobka 10aaa\d farqaddiisa 2aad ee XHM.
Go’aankaasi waxaa uu soo baxay maanta [maalinta lasoo saaray] oo taariikhdu tahay 10/06/2017.
Magacyada xubnaha ee go’aanka soo saaray

Maxamed Cabdi Jaamac- Guddoomiye

Maxamed xasan Jaamac Xubin

Xil. Ilyaas Xuseen Jaamac Xubin”

Tallaabada ay xukuumadu qaaday go’aanka gudida kadib.

Markii goaanka guddidani soo baxay isla markaana ay qoyska Ilma Axmed Jimcaalle ee uu Garyaqaan Maxamed Jaamac Wakiilka u yahay loo xukumay mulkiyada dhulkan waxaa ay wasaaradda arrimaha guduhu soo faro gelisay fulintiisa iyada oo gebi ahaan hor istaagtay nuxurka go’aanku daarnaa isla markaana quful ku dhejisay xafiiska guddidii uu xukunkani ku soo baxday. Wasiir ku xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Jaamac Cabdillaahi Biin oo Warqad summadeedu tahay Ref: XWXM/24/2016 xafiiskiisa kasoo saaray ayaa shaqo ka joojin foodsaaro uu uga dhigtay muddo xilleedka [Mandate] guddidan, ku qufushay xafiiskii guddidan isla markaana waxaa uu qaatay qalabkii lagama maarmaanka u ahaa shaqada sida Shaambaddi iyo feyall kale. Qodobka xusida mudani waxaa uu yahay isaga oo sida aanu warka ku helnay in hawladeenandii xafiiskaasi qaarkood la xidhay, hase yeeshee ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay amarka wasiir Biin iyo tallaabadda uu ku xidhay xafiiskii guddidan iyo hawlwadeennadiisaba maadaama oo ay guddi ahaan ka madax banaan yihiin wasaaradda.

Nuxurka Amarka Uu Wasiir biin Soo Saaray oo nuqul kamid ah uu Wargeyska HUBAAL helay waxaa uu u dhignaa sidan:

Xafiiska Wasiir ku xigeenka maamulka gobolada iyo degmooyinka

Ref: XWXM/24/2016

Ku: Guddoomiyaha iyo xubnaha guddida ka garnaqa dacwadaha dhulka

OG: Maayarka Caasimadda Hargeysa

OG: Xoghayaha fulinta ee Dawladda hoose ee Hargeysa

OG: Agaasimaha gudu ee wasaaradda arrimaha gudaha

OG: WAsiiru-dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha

OG: WAsiirka wasaaradda arrimaha gudaha

Ujeedo: Shaqo ka joojin

Aniga oo ka duulaya wareegtooyinka summadoodu kalayihiin Ref: MOI/160/32/2007 Kuna taariikhaysan 04/02/2017 iyo WAG/XW/49/32/2007 kuna taariikhaysan 21/03/2017 iyo WAG/WX/226/2017 ee ku taariikhaysan 26/04/2017.

Markaan arkay: Cabashooyinka nooga yimid habsami u socodka shaqo ee hawlaha ay guddidani ka garnaqa dacwadaha dhulka magaallooyinka, kuwaas ay noo soo gudbiyeen qaar kamid ah hay’adaha dawladda iyo xubno ka mid ah dadweynuhu.

Hadaba, xubnihii hore ee waqtigoodu dhammaaday ee guddida ka garnaqa dacwadaha dhulka magaallooyinka, waxa aanu go’aansannay inaan idinka joojinno shaqadii laga bilaabo taariikhda ay warqaddani soo baxday iyada oo wasaaradda arrimaha guduhu ay hore idiinku ogolaatay inaad shaqada sii wadaan.

Sidaasi darteed, wasaa la idin farayaa inaad dacwadaha aad gacanta kuhaysaan iyo xafiiskaba aad ku wareejisaan garyaqaanka wasaaradda arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Cabdi Xasan, oo isagu si ku meel gaadh ah nooga sii mas’uul noqonaya xafiiska inta ay kasoo dhamaystirmayaan hay’adaha iyo wasaaradaha ay khusayso magacaabista xubnaha cusub.

Jaamac Cabdillaahi Warsame (Biin)

Wasiir ku xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha

Exit mobile version