Suldaan Mowliid Cali ibraahim sabayse oo kamida salaadiinta madax-dhaqameedka Somaliland ahna saldaanka guud ee Sacad Muuse ayaa tacsi u diray ehelkii, asxbaabtii iyo qarankii Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Suldaan Ismaacil Aadan (Baxar) oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargaysa isla maaantana lagu aasay isla magaalada Hargaysa.
Suldaan Mawliid Sabayse oo ka hadlaya marxuumka waxaa uu yidhi” Ale ha u naxariistee suldaan ismaacil waxaa uu ahaa salaadiinta uu ale ku manaysatay hibana u siiyay isku soo dhawaynta dadka ilaalinta milgaha dhaqanku uu leeyahay waligiina laguma arag isagoo ka shaqay naya siyaasada iyo kala qobqobka reeraha manuu ahayn suldaan hadba cidi kaxaysato oo damiirkiisa dhaqaale lagu kasbado,Waxaan ale uga baryayaa inuu suldaanka ale naxariistii jano ka waraabiyo Aamiiiiiiiin Aamiiiiiin