WAJAALE NEWS

Qarax Ka Dhacay Iskuul Shiinaha Ku Yaalla

 

Beiging,(Wajaalenews)-Qarax ka dhacay albaabka iskuul ay dhigtaan carruurta sii da’ yar oo Shiinaha ku yaala ayaa galaaftay siddeed ruux. Qaraxaas waxaa gaystay wiil 22 jir ah oo isna qaraxa ku dhintay, sida ay booliisku sheegeen.

Waxyaabaha bambooyinka laga sameeyo ayaa laga helay dhismihii uu daganaa wiilka yar oo magaciisa lagu sheegay Xu, waxaa kale oo darbiyada gurigiisa ku qornaa erayada “dhimasho” iyo “dil”

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Fengxian oo ku taalla bariga gobolka Jiangsu iyadoo waalidku ay u yimaadeen in ay kaxaysteen carruurtooda oo sannad dugsiyeedkii u dhammaaday.

Qaraxan waxaa loola dhaqmayaa sidii dambi caadi ah.

Xu, ayaa xaaladdo caafimaad qabay oo ka hadhay iskuulka balse shaqo ayuu helay sida ay booliisku sheegeen.

In kabadan 60 ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxaas, waxaana ka mid ah siddeed ruuxoo xaaladdoodu aad u liidato, sida ay xukuumaddu sheegtay.

Dadka badbaaday ayaa Talafeshinka dawladda Shiinaha u sheegay in siddaadi carruurta looga furay albaabka uu qaraxu dhacay, balse uusan midkoodna markaas bannaanka soo gaadhin.

Masuuliyiinta degada Fengxian ayaa sheegay in dadka dhaawacmay aysan ka mid ahayn carruurtii iyo macallimiintii iskuulka.

 

Exit mobile version