WAJAALE NEWS

Madaxda Dowlada Federaalka Somalia Oo Lagu Amray Inay 14 Maalmood Ay Ku Diwaangeliyaan Hubka Ay Sitaan

Muqdisho(Wajaalenews) –War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga  ee dawlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu faafaahiyay amar cusub oo ku socda mas’uuliyiinta dowladda ee wata ciidamada ilaalada ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka, xubnaha Golaha Wasiiradda iyo dhamaan mas’uuliyiinta dowladda ay muddo 14 maalmood gudahooda ay kusoo dhiiwaangeliyaan ilaaladooda gaarka ah iyo hubka ay sitaan.

Waxaana dhiiwaagelinta ay wasaaradda sheegtay in ay ka bilaabaneyso xaruunta Hogaanka Dembi Baadhista ee CID.

Dhinaca kale madaxda dowladda ayaa la faray in Muqdisho ayna ku dhex wadan karin ilaa iyo in ka badan 4 askari iyo ugu badnaan 2 gaadhi oo ay saaran yihiin qoryaha AK47, sida wasaaradda ay sheegtay.

 

Aqkhriso: 10-kii Bishan go’aanno kasoo baxay Taliyaha Ciiidanka Xoogga dowlada federaalka Soomaliya General Maxamed Axmed Jimacaale

Kulan looga hadlayay ammaanka caasimadda oo ay ka qeyb-galeen Wasirka Amniga ee dowlda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyeyaasha Ciidamada dowlada federaalka soomaaliya, Nabad sugida iyo Booliska Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalladda Muqdisho.

Taliyaha Ciiidanka  Soomaliya General Maxamed Axmed Jimacaale, ayaa warbaahinta u akhriyay go’aankii kasoo baxay kulanka, oo ay kamid ahaayeen.

1- Lama ogola qof aan ka tirsanayn ciidanka dawlada Soomaaliya oo ku labisan dharka tuutaha oo calaamad u ah ciidanka Soomaaliya. Waxaana qofkii lagu helo laga qaadayaa tallaabo sharci ah.

2- Hub magaalladda laguma dhex qaadan karo, qofkii lagu arko hubka waa laga qaadayaa, qofkii isku dejiya qoriga oo lagu dhibaateeyo isagaa mas’uul ka ah.

3- Gaadiidkii magaalladda socda ee hubeysan waa in uu heystaa warqada dhaq-dhaqaaq ee magaalladda uu ku dhex maraayo, haddi laga waayo, qofkaasi waa dambiile gaadh

igana waa laga dhigayaa. Sidoo kale gaadiid magaalladda dhex mari kara ma jirto oo aan u socon shaqo ama wadan warqada ruqsada uu ku dhaq dhaqaaqaayo.

Exit mobile version