HARGAYSA (W,N) Shirkan oo Daarnaa Sidii looga wadahadli lahaa Qorsha ay maamulka khaatumo iyo somaliland ku wada macamilayaan ayaa waxaa goobtan iskugu yimid badi masuuliyiinta beesha dhulbahante ee xilalka ka haya xukuumada Somaliland iyo xubnaha baarlamaan ku jira badi,
Shirkana ayaa sida ay tibaaxeen xogahan aan helaynaa ka dhacay Qasriga madaxtooyada somaliland wallow wararka qaar sheegayaan in uu ka dhacay goob kale ,
kaasi oo ay goob jog ahaayen madaxwayne siilaanyo ,wasiirka madaxtooyada gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyo kuxigeenkiisa koowad Maxamed kaahin, iyo sidoo kale gudoomiyaha xisbiga ucid.
Bilowgii shirkan ayaa waxaa badi dadkii goobta fadhiyay qaarkamid ahi cali khaiil ugu yeedheen madaxwayne ,
Shirkan oo sida codad sir oo aanu helay xaqiijinayaan ahaa mid lagu majaro habaabinayay jamhuuriyada somaliland iyadoo cali khaliif ku doodayo in somaliland ay maamulka khaatumo aqoonsatay markaa waxaanu nahay laba maamul oo siman
Dhank akale waxaa isagu si adag arintaa uga horyimid wasiirka arimaha gudaha somaliland yaasiin xiir faratoon oo ay doodiisu ahayd aynu ku wada hadal inagoo xaydaabka somliland u jirtay oo ah dhulmahante wixii ka maqan doonaya balse yaynaa meesha isku sheeganin maamulo iyo wax jeebta lagala soo baxo.
Halkan ka Dhagayso Codkan Sir ah Ee laga Helay shirkan iyo doodaha lays waydaarsaday.