WAJAALE NEWS

Boqor Badmadow Oo Mudo 64 Cisho ah Sifo Sharci Daro ah Ugu Xidhan Xarunta C,I,D Iyo Maalinta Bari Oo la filayo In la Horkeeno Maxkamada!!

Xogo Banaanka Soo Dhigay Cida Uu u Xidhan Yahay Boqor Badmadow Iyo Ujeedooyinka ku Lamaan xadhigiisa

HARGAYSA (W,N) Boqor Axmed Maxamed xasan (Badmadow) Oo kamida madax Dhaqameedka Somaliland  Gaar ahaan Beesha Subeer Awal ayaa mudo laba bilood iyo afar cisho ah Sifo Sharci daro ah ugu xidhan Magaalada Hargaysa  Kadib markii hadal Uu Warbaahinta mariyay ay dhibsadeen xubno kamida xukuumada siilaanyo iyo Hogaanka Xisbiga kulmiye .

Hadaba Boqor Badmadow loogu xidhay hadal uu warbaabhinta ka yidhi islamarkaana aanu ahayn qofkii ugu horeeyay ee madax dhaqameedka ee warbaahinta mariyay weedhahan oo kale ayaa mudadaa uu xidhnaa aan helin wax cadaalada iyo cid horgaysay maxkamad sharciga ah si loogu qaado hadii uu galay wax danbi ah, marka laga tago iyadoo  dhawr cisho oo rumaana kolba lagu soo xalaalaysto xadhigiisa  maxkamada gobola maroodi jeex.

Sidoo kale  xogaha aanu ka helayno xadhiga Boqor Badmadow ayaan sicad u tibaaxin cida ka dhibanaha ah kiiskiisan marka laga reebo  wararka hoose oo sheegaya in hadal boqor badmadow ay dhibsadeen murashaxa madaxwayne ee xisbiga kulmiye iyo xubno kale oo ku jira xukuumada siilaanyo,

Boqor Badmadow ayaa markii lixaad maalinta bari Ah  la horkeenayaa  maxkamada gobolka maroodi jeex   taasi oo aan la ogayn waxa ay kaga duwanaan doonto mudooyinkii hore ee la horkeenay maxkmada oo loo diray uun rumaan

Dhanka kale xukuumada siilaanyo xubno kamida ayaa maanta soo dhaweeyay Boqor Buurmadow oo isagu Aabe u ah amaba jideeyay Weedhahan badmadow loo haysto balse dadka la socda siyaasada xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa ku tilmaamay in aanay ahayd xukuumada cadaalada shaqo ku leh ismarkaana madaxda dhaqan ku kala doorata hadba ka danteeda fuliya in uu yahay ka saxan oo xataa haduu ku dhawaaqo ereyo xanaf leh oo keena kara isku dhac  beelaha Somaliland ah in aan wax talaabo ah laga qaadin

Isu soo wada duub waxaa laga war sugi doonaa talaabada cadaladeed ee maalinta bari ay maxkamadu ka qado boqor Badmadow oo mudo laba bilood iyo dheerada aan helin wax cadaalada Halka  sharci Somaliland ka  dhigayo in aan qofku bilaa maxkamad u xidhnaan Karin wax ka badan 48 sacadood iyo in  aan sidoo kale muwaadiniinta lagu xidhi Karin xoriyad hadalka oo uu jideeyay nidaamka dimuqraadiyada iyo geedi socodka hanaanka xoriyad qowlku, oo ay Somaliland qaadatay.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version