WAJAALE NEWS

Boqor Badmadow Oo fariiin Culus Udiray Ganacsade Cali Waraabe Oo Uu ku Eedeeyay in uu faro Galin Qaawan ku Hayo Saldanada Beesha,

“Waxan Halkan fariin cod Dheer ugu diriyaa Ganacsade  CALI Ibraahim (Cali Waraabe)  onleeyay Reerkaaga Cabdirahmaan sacad waa ducayeelkii SACAD MUSE waana curadkii sacad muse kadaa fidnada iyo xasarada aad kula dhex jirto reerka”,BOQOR BADMADOW

HARGAYSA(W,N) Boqor Axmed Maxamed Xasan (BADMADOW) Oo kamida Madaxdhaqameedka Somaliland Ayaa fariin culus Udiray Ganacsade Cali Ibraahim Ciise (cal waraabe) kamida ganacsatada dalka,

Boqor Axmed Badmadow Ayaa wuxuu isagoo arintaasi ka hadlaya wuxu yidhi,

Waxaynu ognahay in uu alle ha unaxariis  dhawaan uu geeriyooday suldaankii guud ee beesha cabdiraxmaan sacad Suldaan Jaamac oo kamida beelaha sacad muuse kana mid ah beelaha aan boqorka u ahay

Beelkastanaa waxay maraysaa dhaqanka iyo sifaha loo buuxiyo saldanada marka ay arintan oo kale timaado

Hadaba anigoo ka duulaya arinta soo jireenka ah ee loo buuxiyo saldanadaha waxaan marwalba kazoo hor jeednaa cidkasta oo  isku dayda in ay baalmarto dhaqanka soo jireenka ah iskuna dayda in ay bulshada ku kala kaxeeyaan arimo iyaga u gaara,

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi,

“Waxan Halkan fariin cod dheer ugu diriyaa Ganacsade  CALI Ibraahim Ciise  (Cali Waraabe)  onleeyay Reerkaaga Cabdirahmaan sacad waa ducayeelkii SACAD MUSE waana curadkii sacad muse kadaa fidnada iyo xasarada aad kula dhex jirto reerka, halka ay  tujaarta qeyrka ay madaxweenayaal dhisiyaan adiguna saldanadii reerka ayaad doonaysa inaad burburiso waxan islahaa waa ninkii sacad Muse dayrta kaga baxayaan Ayuunbaa cabdirahmaan sacad ka dhamaanla, Waa wax laga xumaado”

waxaan  mar labaad usoo jeedinayaa in uu si deg deg ah faraha ugala baxo arimahan ayuu yidhi boqor badmadow

 

HARGAYSA OFFICE

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version