Xariirad(Wajaalenews)wafti uu hogaaminayay wasiirka ciyaaraha ayaa galabta daad ku qaaday dooxa Degmada Xariirad ee gobolka Awdal waxaana halkaas ku nafwaayay maayarkii magaalada Xariirad sidoo kalana waxaa shilkan ka badbaaday wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyo labo qof oo kale oo la saarnaa gaadhiga daadku qaaday.
Waxaana uu wasiirku qabaa sida wararku sheegayaan dhaawac aan fududayn.
Roobabka Gu,aga ayaa dhawaanahan ka curtay deegamada kala duwan ee Somaliland kuwaas oo lagu diirsaday waloow ay soo kordhayaan dadka daadka Dooxooyinka ka soo rigmada uu la tago sidaasna uu ku yimaado khasaare nafeed