WAJAALE NEWS

War-Deg-Dega:Maamulkii Degmada Tog Wajaale Oo Xilkii laga Qaaday Iyo Masuul Markii Labaad kusoo Noqday Xilka Gudoomiyaha Degmada

TOG WAJAALE(W,N) Maamulkii magaalo ganacsiyeedka Tog -wajaale oo ka mida degmooyinka hoos yimaada gobolka Gabiley ayaa xilkii laga qaaday gudoomiyihii hore halka loo magacaabay gudoomie cusub kaasi oo xilka gudoomiyenimo ku soo noqday markii labaad Wararka aanu ka helayno wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa sida warar xogogaal ah oo aanu helay xuseen waxaa saaka xilkii gudoomiye nimo ee degmada Togwajaale laga qaaday eng Aadan Cilmi Aadan shiine Sidoo kale wararkan ayaa xusay in gudoomiye cusub ee wajaale loo magacaabay Xaashi Maxamed Cabdi.

Dhanka kale wararka aanu ka helayno degmada Togwajaale ayaa tibaaxay in ay jirto xubno kale oo maamulka ka tirsan in iyana xilka laga qaaday wallow aan wali si rasmiya loo haynin warkooda Tan iyo intii xukuumada Siilaanyo xilka qabatay ayaa waxaa xilka gudoomiye nimo ee degmada Wajaale iska badalay ilaa shan gudoomiye taasi oo degmada ku keentay khalkhal shaqo iyo jahawareer maamul oo saamayn ku yeeshay hamsami u socodka hawlaha shaqo ee degmada WAJAALE NEWS DESK TOGWAJAALE OFFICE EMAIL WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version