WAJAALE NEWS

“Wuxuu Jamaal Yidhaa Lacag Baan Bixiyaye Ha Soo Caddeeyo, Anigu Ma Biidhi Qaate Ayaan Ahay… Isbahaysiga Kaalaya Ucid Baan Ku Idhi…,” Eng Faysal Cali Waraabe.

faysalHargeysa(Wajaalenews):- Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku dooday inaanay shakhsiyan Faysal ahaan iyo Jamaal Cali Xuseen wada galin heshiis ku saabsan inuu musharaxa xisbiga Ucid noqdo. Waxa uu sheegay inaanay musharaxiinta madaxweyne iyo kuxigeen xisbiga waxba ku darsan balse la siiyay jaanis ay ka faa’iidaysan waayeen.

Eng Faysal oo waraysi lala yeeshay ayaa ku dooday inaanu lacag ka qaadin Jamaal Cali Xuseen, islamarkaana aanay jirin aragtida ah inuu xisbiga Iibsaday. Waxa uu ku doodayaa in xisbiga Ucid la rabo sanadkan siduu u noqon lahaa xisbi xaakimka sidaasi darteedna cidii gaadhsiin kartaaba musharax ka noqonayso.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay saaxiibo isku fiican yihiin siyaasiyiinta iska casilay xukumadda haddana la baxay isbahaysiga Kulmiye, kuwaasi oo uu sheegay inay xaq u leeyihiin inay xisbiga iska sharaxaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in socdaalkiisii Burco la xidhiidhay in dadkii Kulmiye ka cadhooday ay sugaan Ucid oo aanay meel kale tagin

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Habane

Exit mobile version