WAJAALE NEWS

Maamulaha kastamka kalabaydh oo Tacadi Uu kula kacay Shaqaalaha Kastamku ay Sobobtay In Gacan La saaro Maamulihii Laanta Ganacsiga Iyo Tirada Dad loo Xidh Xidhay dhacdadaasi,

GABILEY (W.N)  Maamulaha kastamka kalabaydh ee Gobolka Gabiley Mr (Cabdi Hargaysa) ayaa mudooyinkii udanbeeyay cadaadis iyo kala saarid uu shaqaalaha kastamka kalabaydh ku haya ayaa sobobtay  29/05/2017 in dhawr qof Oo kamida shaqalaha kastamka in ay gacan saaraan maamulaha laanta ganacsiga  ee isagu u jooga wasaarada ganacsiga oo lagu magacaabo Xasan in lagu faro saaro kastamka dhexdiisa kaasi Oo sida ay sheegeen wararka aanu ka helaynaa la gaadhsiiyay  dhaawacyo fudud islamarkaana aanu wax gurmad ah aanay u fidinin ciidamada amaanka ee goobta ku sugnaan sobobo aan la shaacin awgeed,

Dhacdadan oo maalmihii udanbaysay aad looga hadal hayay Magalada Kalabaydh Iyo xarumaha Wasaaradaha Maaliyada iyo Ganacsiga ayaa   sida Ay xogo hoose oo shabakada wararka ee wajaalenews,net heshay ay tibaaxeen kadib markii maamulaha kastamku uu mudo si gaara u cadaadinayay shaqaale hoosaadka ka hawlgala kastamka ee iyagu kazoo jeeda deegaanka kalabaydh taasi oo aan sicad loo sheegeen sobobta maamule cabdi Hargaysa iyo Xasan oo labaduba yihiin masuuliyiinta ugu sareeya maamulka kastamka islamarkaana isku hayb ah ama kazoo wad jeeda deegaan qudha ay isku xulafaysteen kala saarida shaqaalaha iyo in waliba cid gaara  la saaro cadaadis shaqo oo waliba sida xogahi tibaaxeen ay qaarkood ka joojiyeen dhaqaalihii xaqul shaqaalaha  ayaa iyadu noqotay mid fajac ku abuurtay shaqaale waynaha ka hawlgala kastamka kalabaydh oo qaarkood mudo dhowr sano ah ku shaqeeyaan Tambareeri,

Dhanka kale dhacdadan ayaa loo xidh xidhay afar qof oo kamida shaqaaalaha kastamka ka hawlgala kuwaasi oo wali xidhan iyo sidoo kale waxaa iyana shaqadii ay kastamka ka hayeen laga soo badalay sedex qof oo iyaguna hawli jiray kastamka gaar ahaan laanta ganacsiga kuwaasi oo xiligan loo soo badalay sida wararka aanu ka helaynaa xusayaan xarunta guud ee wasaarada iyadoo aan  loo marin sifihii ku haboonaa lana  sheegin  danbiga ay galab sadeen shaqaalahan qaarna la xidhay kuwo kale lagu soo xareeyay xarunta guud ee wasaarada

Halka warar xogaha qaarna sheegeen in xubnahana xidhani aanay wada ahayn shaqaale ee badhkood ay yihiin shicib ,

Iskuu soo wada duub oo dhacdadan ayaan wali aanay ka hadal masuuliyiinta ugu saraysa wasaarada maaliyada iyo ganacsiga oo leh masuuliyada  iy gacan ku haynta maamulada kastamada dalka wallow wararka qaar sheegayaan in loo diray arintan gudi kazoo warbixisa.

Kastamada Dalka badi ayaa  xiligan u muuqda kuwo shaqsiyaad  ku tagri falaan gacan ku hayntiisa  masuuliyadeeda kadib markii ay meesha ka baxay isku badalkii lagu samayn jiray maamulayaasha kastamada oo dhinaca kale faa,iido   u ahayd dar dar galinta dhakhliga  iyo tartanka ay ku jireen maamulada kastamada dalku.

 

 

WAJAALENEWS DESK

KALA SOCO WIXII KASOO KORDHA DHACDADAN

GAILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version