WAJAALE NEWS

DAAWO ; Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Sharaxaad ka Bixiyay 19% Dawlada Itoobiya Laga Siiyey Dekeda Berbera.

HARGAYSA(W,N) Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Eng Xuseen Aadan Cige (xuseen deyr)  ayaa  sheegay in saamigaas 19% ah ee Itoobiya ay siisay shirkadda DP world oo leh 65%. Sidoo kale afhayeenka ayaa sharaxay ujeedada hadalkii wasiirka ganacsigu hore BBC Usiiyay “Waraysiga wasiirka waan dhagaystay, muu odhan dawladda Somaliland ayaa 19% siisay Itoobiya, wasiirku wuxuu yidhi dawladda Itoobiya waxya leedahay 19%. Isweydiintu waxay tahay yaa siiyay, shirkadda DP world waxay leedahay 65% oo ah saamiga badan, 35% qaranka Somaliland ayaa leh, baarlamaankuna taas ayuu ansixiyay, heshiiskana waxa ku qoran cidda saamiga.

 

Exit mobile version