Hargeysa(Wajaalenews)Wararka hada na soo gaadhaya ayaa sheegaya in xilkii laga xayuubiyey taliyahii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland Gaashaanle Axmed Daahir iyo weli ba sida oo kale xisaabiyahii ciidankaasi Maxamed Cabdi Yoonis ka dib markii khilaaf soo noq-noqday soo kala dhex-galay wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi.
Xil ka qaadistan oo ahayd mid aan la shaacinin oo qarsoodi ah, ayaa wararka aanu ka helayno Madaxtooyada Somaliland, waxa ay sheegayaan in xalay fiidkii labadan sarkaal ba laga xayuubiyey xilalkii ciidanimo ee ay ka hayeen Madaxtooyada Somaliland.
Waxaana wararku sheegayaan in taliyahii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland loo soo magacaabay Gaashaanle Cabdirisaaq Af-gaduud, halka aan weli la soo magacaabin xisaabiyahii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland.