WAJAALE NEWS

Marwada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Dalka Ku Soo Dhaweysay Haweenayda Ganacsatada Caanka ah ee Qadan-Hoodo oo Ku Soo Biirtay Xisbiga WADDANI+SAWIRO

Hargeysa (Wajaalenews):-Marwada Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Marwo Farduusa Maxamed Rooble oo ay weheliyaan hoggaanka garabka haweenka heer qaran, xildhibbaan Baar Siciid iyo weli ba mas’uuliyiin tira badan oo ka tirsan Xisbigaasi, ayaa saaka aroornimadii hore garoonka diyaaradaha ee Madaarka Hargeysa si ballaadhan ugu soo dhaweeyey Marwo Qadan Maxamed Cismaan(Qadan-Hoodo) oo ah haweenay ganacsato ah oo si aada loogga yaqaano guud ahaan geeska Afrika.

Guddoomiyaha garabka haweenka Marwo Foosiya Keyse, xildhibbaan Baar Siciid, Marwo Saado Dheer iyo weli ba Aqoonyahanad Kaltuun Maxamuud Xuseen oo dhammaantood ba soo dhaweyntii ka dib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin in ay soo dhaweeyaan Qadan-Hoodo oo si rasmi ah ugu soo biirtay Xisbiga WADDANi, waxaana ay si aada u tilmaameen kaalinta ganacsi ee ay kaga jirto guud ahaan geeska Afrika oo ay sheegeen in ay sida oo kale waxa badan ku soo kordhin doonto Xisbiga WADDANI.

Marwo Qadan Maxamed Cismaan(Qadan-Hoodo) oo iyadu na halkaas ka hadashay, ayaa ugu horeyn si weyn ugu mahad-celisay Marwada Murashaxa Madaxweynaha WADDANi iyo weli ba sida oo kale dhammaan ba haween weynaha Xisbigaasi ee sida ballaadhan u soo dhaweeyey, waxaana ay shaacisay in ay si rasmi ah ugu soo biirtay Xisbiga WADDANI.

“Aniga oo ah Qadan Hoodo, waxa aan saaka aad iyo aad ugu faraxsanahay sida diiran ee ay ii soo dhaweeyeen bahweynta Xisbiga WADDANI ee ku midoobay walaalnimada, cadaaladda, qabyaalad reebidda iyo horumarka Somaliland, soo dhaweynta aad i soo dhaweyseena waxa aan lee yahay Xisbiga dadkiisa jecel uun baa shacabkiisu na jeclaadaa oo aniga oon madax ka ahayn Xisbiga hada na waxa la ii soo dhaweeyey sida Madaxweynaha, aad iyo aad na waan idiin ku mahad-naqayaa. Waxa kale oon halkan uga mahad-celinayaa guddoomiyaha qaaliga ah ee Baarlamaanka, ahna Murashaxa Madaxweynaha sida oo kale na ah Madaxweynaha dhow ee Mustaqbalka Somaliland ee aanu rajeynayno iyo weli ba Marwadiisa qaaliga ah ee saaxiibadda dhow aanu nahay Marwo Farduus Maxamed Rooble, Farduus Qaali aad iyo aad ayaan iyada na ugu mahad-naqayaa saaxiibaddey , waxa aan lee yahay Somaliland guul, WADDANI na waxa uu u horseedayaa guul, walaalnimo, qabyaalad la’aan, horumar, daacad iyo weli ba sinnaanshiyo iyo gacmaha oo la isqabsado, meel kasta oo ay joogaan reer WADDANI na waxa aan ku soo kordhinayaa kelmad ah marka la yidhaahdo qolamaad tahay in lagu jawaabo reer WADDANI, ina ayo ayaad tahay ..Ina WADDANI, sidaas baa guul lagu gaadhaa aanu gacmaha isqabsano, Somaliland ha midowdo.”.

Marwo Qadan-Hoodo oo sida oo kale hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay tidhi:- “Anigu run ahaantii  4bilood ba waan ka tirsanaa Xisbiga WADDANI, balse maanta waxa aan cadeynayaa in aan ahay Xisbiga WADDANI, sababta aan Xisbiga ugu soo biirayna waxa weeye aniga oo horta aan jeclayn siyaasadda ayaa markii aan KULMIYE dhisay ee uu guuleystay Siilaanyo waxa aan faraha ka qaaday siyaasadda deedna markaa maanta la i odhan maayo Xisbi bay ka soo baxday se maanta ayaan Xisbiga WADDANI ku biirayaa, hore na waxa aan u ahaan jiray guddoomiyaha KULMIYE ee UK hada na WADDANI baan ahay markaa mar haddii aan hore u soo dhisay oo aan garabkiisa ahaa Madaxweyne Siilaanyo, waxa aan go’aansaday in aan garabka kale ee caruurteyda na aan dhiso oo aanan ka foggaanin.”.

Exit mobile version