WAJAALE NEWS

Daawo:Muj.Cali Guray Oo Faysal Cali Waraabe Ku Eedeeyay In Uu Ka Danbeeyay Xubinta Reer Somaliland Ee Loo Magacaabay Raysalwasaare Ku Xigeenka Somaliya

Hargaysa(wajaalenews)muj. Cali Guray Oo Ka Mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga kulmiye ayaa eedayn culus u jeediyay gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe waxaanu ku eedeeyay in uu u ololeeyo somaliwayn waxaanu sheegay in uu Faysal Cali Waraabe qayb ka ahaa magacaabista raysal wasaare ku xigeenka Somaliya oo loo magacaabay xubin ka soo jeeda Somalilan,Wuxu sidan ku sheegay Muj.Cai Guray mar uu qoraal kooban soo dhigay bartiisa xidhiidhka Bulshada ee Facebook.

Waxaanu u dhignaa sidan

Ilaahay hortii Khadar in aanu ahayn markuu Somaliland joogay qof Ina Cali Waraabe oo kale la barbar dhigo. Anigu ma ogi goorta uu u ahaa la taliye sharci lakiin miyaanu ahaan jirin la taliyaha dhinaca sharciga ee Komishanka Doorashootinka mise waa Khadar kale. Hadii uu isagii yahay mudada ugu dheer intii aan aqaanay shaqada uu hayay taasay ahayd. Qofnimadiisu hadii aynaan mawqifka uu qaatay ku diidayn anigu qof shakhsi ahaan aad u wanaagsan oo aan lagu metaali karin Ina Cali Waraabe ayuu ahaa waayo wuxu ahaan jiray nin dhalinyar oo dhawrsan oo damiirkiisu nool yahay. Lakiin waan rumaysan karaa in Faysal ku lug lahaa xilka loo magacaabay ilayn isaga wax ka reebani ma jiro wax aanu ku lug lahaynina ma jirta balse inta Faysal tiisa tixgelin lagu siiyay ma qiyaas karo

Exit mobile version