WAJAALE NEWS

Muwaadin Ganacsade ah Oo Mudo Bil ah Sifo Sharci Daro ah Ugu Xidhnaa Saldhiga Dhexe ee Hargaysa Oo ay Caawa Ciidanka Boolisku Albaabada U Laabeen Meheradiisii Ganacsi

Hargaysa(Wajaalenews)Ganacsade Mustafe   Muxumed  Axmed (Cadaani)  oo ah muwaadin soo dajiya dawooyinka,isla markaana ogolaanshiyo ka haysta haayadaha dawlada ee ku shaqada leh ganacsigiisa sida  wasaarada caafimaadka iyo Wasaarada Ganacsiga Somaliland sidoo kalana  dawooyinkiisa  u haysta liisanka ganacsiga  bixiyana  cashuurta waajibtay ayay  caawa ciidanka boolisku Albaabada u laabeen xaruntiisii ganacsi iyaga oo halkaasi hanjabaad iyo cago juglayn u gaystay shaqaalihii ka hawl galayay meheradaas iyaga oo dhamaanba jeelka u taxaabay shaqaalihii ka hawlgali jiray.

Mid ka mid ah ehelada ganacsadahan oo uu fariin soo gaadhsiiyay mulkiilaha meheradan  ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa

“Waxaa caawa meheradayadii albaabada u laabay ciidan uu si gaara u soo diray taliyaha ciidanka booliska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan oo ay ka muuqato cadho iyo ficil badan waxaanay gabi ahaanba jeelka u taxaabeen dhamaan shaqaalihii ka hawlgali jiray meheradayada.

Waxaan u haystaa alaabtan lisankii ganacsiga sidoo kalana waxaan bixiyaa cashuurtii I waajibtay

Alaabtan waxaa iisoo  Cashuuray wasaarada Maaliyada waxaanay iga qaaday lacag dhan 17000000 milyan oo shilinka Somaliland ah xiligaas oo ay taariikhdu ahayd  11/30/2016  ayaa hadana nasiib daro waxaa laygu saaray maxkamad  ciidan marna mid shicib iyada oo ay ii dheer tahay in maalinba Saldhig la ila tago  wasaaradii cashuurtaa iga qadayna ilaa hada aanay ka hadal  markaa waxaan waydiinayaa masuuliyiinta wasaarada iyo ciidanka booliska maxaa loo cashuuray hadii ay darogo tahay waxaan markaa leeyahay arintayda Taliyaha ciidanka boolisku Cabdilahi Fadal Caqli iyo cilmi uu iagaga tago midna malaha  waxaanan dawlada  leeyahay dawladaay miyiga geela ayaa la kala dhacaa magaaladana meheradaha ayaa laysku cidhiidhyaa  aniga oo fahansan cida kadanbaysa waxaan leeyahay hawshada wado , Hargaysana  laguma kala awood badnee”

 

Ganacsadahan ayaa xadhigiisu soo maray marxalado kala duwan iyada oo hore loo horgeeyay maxkamada ciidanka militariga taas oo ku wayday waxkiis ah waxaanu in ka badan mudo bil ah maxkamad la,aan ugu xidhnaa saldhiga dhexe ee Hargaysa iyada oo sida uu sheegay ganacsadahani mudadaas uu xidhnaa loo gaystay jidh dil sobobay dhaawacyo jidhkiisa soo gaadhay, waxaanu muwaadinkani xiligan maxkamad la,aan ugu xidhan yahay sifo sharci daro ah Saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa.

 

Si kastaba ha ahaatee Muwaadinkan ganacsadaha ah ayaa hore cabasho uga muujiyay taliyaha ciidanka booliska C/laahi Fadal Iimaan taas oo loo aanaynayo in talaabadani tahay mid uu kaga aargoosanayo muwaadinkan.

 

Exit mobile version