WAJAALE NEWS

Maxaa Ku Qarsoonaa Astaanta Xisbiga Kulmiye Ee Salaanta Labada Gacmood ? Guul Iyo Guul Darro Midkay U Keentay Qaranimada S/land Wadahadaladii Ay La Gashay Xukuumada Soomaaliya Ee Muqdisho? FAALO

Geediga Qalooca Ee Ay Cagta Saartay Siyaasada Arimaha Dibada S/land Sideed Sanno Ka Hor Iyo Doorka Ay Ku Lahaayeen Masuuliyiintii Saaxada Siyaasada S/land Ku Cusbaa + Dhaawacyada Ka Soo Gaadhay Qadiyada Madax Banaanida Iyo Qaranimada S/land

HARGAYSA(W,N) Waxaa Hubaala in Bulshada S/land Halgan dheer oo Naf iyo Maalba ay ku waayeen ay kula soo noqdeen Xoriyadii Lixdankii ay ka qaateen Dalka Ingiriiska ee ay Ilduufka kula Midoobeen Dalka Soomaaliya  Allena ku guuleeyay waxay Bulshada S/land Maalin ku beegan  18/5/1991 Magaalada Burco ugu Wanqaleen si wada jir ah Dalka Jamhuuriyada S/land iyadoo Toban Sanno ka dib Bulshada S/land u dareertay Aftida Distoorka Jamhuuriyada Soomaali Land Maalin ku beegan 31/5/2001 Natiijadii ka soo baxday Aftida Distoorkuna Xaqiijisay in Bulshada Soomaali Land  97 % ogolaatay Distoorka Jamhuuriyada Soomaali Land oo  si cad u qeexaya Xidhiidhka Dawladaha Caalamka ee Siyaasada Arimaha Dibada iyo iyo Madax Banaanida Jamhuuriyada S/land ugu horaynse ball aynu dull joogsanno Qodobka Tobnaad ee Distoorka Jamhuuriyada S/land oo si Cad u qeexaya Xidhiidhka Siyaasada Arimaha Dibada S/land .

Qodobka 10 aad Xidhiidhka Dibada Faqradiisa Lixaad ee Distoorka Jamhuuriyada Soomaali Land.

6: Dawlada Jamhuuriyada Soomaali Land waa Jamhuuriyad Xorr ah oo ka mida Umadaha Carbeed Shucuubta Afrika iyo Wadamada Islaamka sidaa daraadeed waxay ku dadaalaysaa siday uga mid noqon lahayd Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa, Ururka Midnimada Afrika, Ururka Jaamacada Carabta iyo Ururka Dawladaha Islaamka .

Iyadoo Siyaasada Arimaha Dibada S/land soo martay Marxalado kala duwan oo Diiwaanada Taariikhda ku xusan waxay Diirada Qoraagu Maanta si saxa Bulshada S/land ugu iftiimin doontaa Xeeladahii ku Lamaanaa Astaanta Xisbiga Kulmiye ee Labada Gacmood Ee isa Salaamaya iyo Geediga Qaloocan ee ay Cagta Saartay Siyaasada Arimaha Dibada S/land muddo Sideed Sanno laga joogo ” Inagoo si qoto dheer Muwaadiniinta S/land ugu Iftiin doona Dhaawacyada Culus ee Qadiyada Madax Banaanida Jamhuuriyada S/land ka soo gaadhay Jihadii Cusbayd ee Geediga Siyaasada Arimaha Dibada S/land u Raray Madaxwayne Siiraanyo Sagaal Sanno ka hor isagoo Waqtigaa ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Jihadaa uu Geediga u Raray Taasi oo ay Door Muuqda ku lahaayeen Siyaasiyiin Saaxada Siyaasada ku cusbaa oo Madaxwayne Siiraanyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Kulmiye iyo Wasiirkaba hore uga dhigay”

Ugu horaynse waxaa mudan in aynu iswaydiino Su”aalahan .Goorma ayuu Geediga Cusub ee Madaxwayne Siiraanyo ku jiheeyay Siyaasada Arimaha Dibada S/land  ? Ma Jiraanse Xeelado ku Qarsoonaa Astaanta Xisbiga Kulmiye ee Labada Gacmood ee isa Salaamaya ? Furitaanka Wadahadalada Soomaaliya iyo Geediga Cusub ma yahay mid Salka ku haya oo ka turjumaya Qodobada  Distoorka Jamhuuriyada S/land ? Guul iyo Guul darro midkay kala kulantay Jamhuuriyada S/land Geediga Cusub ee Siyaasada Arimaha Dibada S/land u rartay ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Gadhwadeenka ka tahay ?  Miyaanse la gaadhin Waqtigii la qiimayn lahaa Geedi Socodka Siyaasada Arimaha Dibada S/land ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbiga Kulmiye ?  Kow iyo Labaatan Sanno ka dib Wadahadalada uu la galay Madaxwayne Siiraanyo Xukuumada Muqdisho Guul iyo Guul darro midkee inaga soo gaadhay ? Geediga Cusub ee Siyaasada Arimaha Dibada ee Madaxwayne Siiraanyo Gadh wadeenka ka ahaa ma jiraan Dhaawacyo ka soo gaadhay Qadiyada Madax Banaanida S/land ? Gormayse Xukuumada Kulmiye Cagta saartay Geediga aan la garanayn halka uu ku danbayn doono ? Ma laga yaabaase in Siyaasada Arimaha Dibada ee Xukuumada iyo Xisbiga Kullmiye inagu celiso Godkii Bahalo galeenka ahaa ee Halganka dheer kaga soo baxnay ?

Milicsiga Sideed Sanno Ka Hor Shirkii Lagaga Hadlayay Arimaha Soomaalida Ee Madaxwayne Daahir Rayaale Diiday In Uu Ka Qayb Galo Laguna Qabtay Dalka Maraykan Iyo Xoghayihii Hore Ee Arimaha Dibada  Xisbiga Kulmiye Dr Maxamad C/laahi Cumar Oo Ka Qayb Galay   .

Fari Togbay kula xushaaye”Maalin ku beegan 29/7/2009  waxaa Marti qaad Rasmiya ka helay Xoghayahii Arimaha Dibada Xisbiga Kulmiye Dr Maxamad C/laahi Cumar Gudoomiyaha Gudida Afrika u Qaabilsan Kongreska Maraykanka Doland payne isagoo Magaalada Waashiton ee Dalka Maraykanka kaga Qayb galay Shir loogu qabtay Soomaalida Dalka Maraykanka Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Madax kala iyo Aqoonyahano ka kala yimid Bariga Afrika Qaramada Midoobay iyo Sariikiisha iyo Xilldhibaanada Wasaarada Arimaha ee Dawlada Maraykanka u qaabilsan Arimaha Afrika “ waxaana Xusid mudan in Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo Wasiirkii Arimaha Dibada S/land C/laahi Maxamed C/laahi ay Diideen in ay ka qayb galaan Shirkaa Soomaalida loogu qabtay Waashiton iyadoo Arintaasi ay ka Cadhaysiisay Doland pane oo ahaa Gudoomiyaha Gudida Arimaha Dibada ”

Waxaana Xusid mudan in Idaacada Codka Maraykan ee VOA ay Baahisay in Diidmada Madaxwaynihii hore ee Rayaale ay ka Cadhaysiisay Senator Doland pane“ Waxaana Hubaala in Shirkaasi uu bud dhig u ahaa Geediga Qalooca ee ay Cagta saartay Siyaasada Arimaha Dibada S/land .

Milicsiga Sideed Sanno Ka Hor Shahaadadii Uu Madaxwayne Siiraanyo Siiyay Senator Al Franken Oo Ka Mida Gudida Arimaha Afrika U Qaabilsan Senotarada Dalka Maraykan,

Nuugto Naaso Taabasho ayay ka kacdaaye 26/1/2010 waxuu Madaxwayne Siiraanyo oo Waqtigaa ahaa Murashaxii iyo Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye kaga gudoomay Magaalada Washington DC Shahaado Sharaf uu siiyay Senator Al Franken (DC) oo ka mida Senator Gudida Arimaha Dibada Afrika ee Dalka Maraykan Shahaadadan oo cadayn u ahayd ama Muujinaysay in Madaxwayne Siiraanyo kaga Adkaaday Daahir Rayaale Diblamaasiyada Beesha Caalamka Ballse waxaa iswaydiin mudan Guul iyo Guul Darro midkay S/land u keentay Geediga Cusub ee Madaxwayne Siiraanyo Sahankeeda lahaa ?

La Soco Qormooyinka Labaad, Sadexaad, Afraad Iyo Shanaad Oo Aan Ku Lafo Guri Doono Geediga Qalooca Ee Ay Cagta Saartay Siyaasada Arimaha Dibada S/land  .

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version