WAJAALE NEWS

Koox Isku Dayday In ay Xoog ku furtaan Masaajidkii Mudada khilaafku Ka Taagnaa Ee Magaalada Arabsiyo Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Maamullihii Xawaalada Dahabshiil Oo kamida Xubnaha Loo Xidhay Dhacdadan,

Koox Isku Dayday In ay  Xoog ku furtaan Masaajidkii  mudada khilaafku Ka  Taagnaa  Ee Magaalada Arabsiyo Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Maamullihii Xawaalada Dahabshiil Oo ka mida Xubnaha Loo Xidhay Dhacdadan,

Arabsiyo (Wajaalenews) Abaaro shantii iyo badhkii galabnimo ee shalay ayaa dhowr dhalinyro ahi jabiyeen quful ay ciidamada boolisku ku xidheen masaajid khilaaf culus in mudo ah ka  tagnaa  oo ku yaala magaalada arabsiyo ee gobolka Gabiley, Dhalinyradan  ayaa markii ay dadka ka agdhow goobtan  masaajidkani  ku yaalo  ay kus oo baxeen u sheegayay  in ay xadhayaan oo ay  nadiifinayaan masaajidka balse markii mudo kooban ay hawsha ku jireen ayaa waxa gobtan ka bilowday muran dhex maray dadka xaafada iyo dhalinyarada waxana goobta yimid sida ay noo xaqiijiyeen dad goob jooga ahi maamulaha shirakada dahabshiil ee degmada Arabsiyo iyo laba nin oo kale kuwaasi oo sii huriyay muranki goobta ka taagnaa  oo markii danbe gaadhay in loo yeedho ciidamada booliska Waxaana goobtaasi xabsiga loogu taxaabay sedex qof oo uu hurmuudk ka yahay maamulaha shirkada Dahabshiil  ee magaalada Arabsiyo oo isaga lagu magacabo Axmed Warsame Iyo mid ka mid shaqaalaha ilaaliya xafiiska shirkada isgaadhsiinta Somtel ee magaalada Arabsiyo oo aananu helin magaciisa iyo ninka kale ee la xidhanba.

Khilaafkan masajidkan ayaa mudo ka taagnaa magaalada Arabsiyo kaasi oo salka ku haya khilaaf xaga dariiqooyinka diinta ah halka dabada ka wadeen dhismahan masaajidkan wali lagu murnsan yahay xubno wadaado ah oo fadhigoodu yahay magaalada Hargaysa.

Dhanka kale mid ka mia shacabka ku dhaqan magaalada Arabsiyo oo ka gaabsaday in aan magaciisa xusno ayaa noo sheegay in maamulaha xawaalada Dahabshiil uu isagu qayb ka ahayd dadka marwalba soo abaabula dad iyagu fuliya khilaaf salka ku haya aragti diineed oo ka duwan ka ay aaminsan yihiin badi shacabka ku dhaqan magaalada Arabsiyo Dhawaan ayay ahayd markii khilaafka masaajidka laga soo saaray go,aan ay sexeexeen odoyaasha magaaladu oo lagu go,aamiyay in masaajidka loo dhiibo sheekh reer Arabsiyood ah kaasi oo badi shacabku ka raali yihiin halka qolodan kale ay doonayaan in arabsiyo laga abuuro firiiqadaha xiligan taagan ee xaga diinta walow ayna dad deegank iyau ka raali ahayd arintan.

Exit mobile version