WAJAALE NEWS

Roobab Dabaylo Wata Oo Khasaare Xoogan Sababay Oo Ka Da’ay Gobolka Salel Iyo Baaxadda Ay Leeg Tahay Khasaaraha Uu Sababay

Hargeysa(W,N)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Saylac ayaa waxay sheegayaan in shalay uu ka da’ay gobolka Salel roob mahiigaan ah oo watay dabaylo iyo calaydh xoogan,kaas oo sababay khasaare baaxad wayn.

waxaana roobkani ka da’ay uu si aada khasaare ugu gaystay sida naloo xaqiijiyay Tuulada Habbaas oo ku taala agagaarka Xariirad,waxaana roobkaasi dabaysha watay uu sababay khasaare xoogan,waxaana uu dumiyay in ka badan 40 guri oo ku yaala Tuuladaasi Habbaas.

Waxaana dhismayaasha uu roobkani dumiyay ay kala ahaayeen Dergado,Jiingado Iyo Aqal Soomali,sidoo kalena waxa uu Saqafkii sare ka qaaday dugsigii waxbarasho ee ku yaalay Tuuladdaasi.

Roobkan oo da’yay ku dhawaad Afar Saacadood ayaan sababin inta la og yahay khasaare nafeed.

Exit mobile version