WAJAALE NEWS

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Fariintii Ugu Adkayd U Diray Xukuumadda , Kana Hadley Saldhiga Military Ee Imaaradka

Hargeysa(W,N) Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi  Cali Xaaji Xasan  ayaa ka hadlay Saldhiga Military ee  Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabtu doonayo inuu ka samaysto Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Hogaamiye Xirsi oo ugu horayn ka hadlayey Aragtidiisa ku aadan Saldhigaasi ayaa wuxu yidhi  ” Waxay u muuqataa runtii heshiis lala galo ama la yidhaahdo Military baa la keenayaa  waxay u muuqataa runtii inay Halis badan dalkeena gelinayso , dunidana looma yeedho ciidan qori sita oo aan dakaaga u dhalan aanad garanaynin awood kuu dhiganta awood ahaan ku muqaawimayn karto oo aad iska celin karto aan ahayn, oo sharciyan aanad muctarif ahayn oo lagu citiraafsanayn , Ximaaya Caalamiya aanad lahayn ama aanad ilaalintii caalamiga ahayd ee xuduudahaga sugi lahayd aanad haysan”

Sidoo kale Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan  waxa uu soo jeediyey inaanay haboonayn in wakhtigan loo yeedho Colaado iyo dagaalo aan dalku qaadi karin  “Gobolkan wakhtigan xaadirka ah belaayadu ka oogan tahay ee laysku dilayo dhibaatadu ka taagan tahay Wadankan Yemen ee Dabku ka karayo inaynu inagu wakhtigan u yeedhano oo mushkilad casuuno oo dagaal aan inoo dhaweyn aan u baaqnaa, waxaan arkayey ragga qaar leh dagaalka dhex ma nihin dhinac baynu nahay Ma ogi anigu dalkeenu goortuu qaatey in aynu dagaal galno oo ah dagaal aan dalkeeno loo dagaalameen , uma arko maslaxada dalkan in dagaal meel ka baxaya aynu u yeedhano, Laakiin Dal dagaal loogu baaqo anigu ma arko dad dagaal loogu baaqo ma arko”

Hogaamiyuhu waxa uu soo jeediyey in loo baahan inan arrintaasi Saldhiga lagu deg degin lagana baaraan dego faaida qaranka ugu jirta ” Waxan leeyahay isdhawrid badan bay arrintani leedahay oo arrintaynu ku deg degi lahayn maaha wax maalinkan maanta ah inoo galayoo inagu khasbayaana ma jiraan, hunguri loo gelayo oo qarankeena wax tarayoo nafci leh, hadii imika Dawladaha waa weyn ee Super Power ka yihiin aynu leenahay iyagaynu casuumaynaa waana ina ilaalin karayaan waana Dawladihii Ictiraafkeena isu daba taagaynay gacanta ina qabanayey ee ina jiidi lahaa ayeynu wax kaga doonaynaa, Laakiin se Dawladd yar oo carbeed Mowqifka Carbeedna aynu ognahay halkuu ka taagan yahay Ictiraafkeena iyo jiritaankeena ayaanu saldhig siinaynaa, waxaad eegtaa uun Saldhigyadii hore maxaa laga faaiday kuwa Xamar jooga maxay ka faaideen ee Somalida ah , maxay ka faaideen kuwa Putland ee Imaaraadka laftiisu joogo, maxay ka faaideen Daafuur oo Sudan ah oo ciidan joogo, maxay ka faaideen Eretria, Waar dunida looma yeedho ciidan  aan ciidankaaga ahayn”

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inaanay caqli ahayn qoladii Dekeda laga kireeyey ayaa hadana Ciidana la siinayaa ay ku ilaashadan iyadoo aanu jirin Sharci caalmaiya taasina ay tahay cabaq horleh una baahan tahay in aragti dheer lagu eego ” Qoladaanu Dekedii ka kiraynay baanu waliba Ciidan siinaynaa aanu leenahay Ciidana ku ilaashada Dekediina waanu ka kiraynay, dee bal yaa kaa kiciya?  Hadaad hungurigii meeshii dhuunigu kusoo marayeyna siisay qorigiina tidhi ku ilaasho Sharci caalamiya oo kaa ilaalinayana aanu jirin, waxay ila tahay runtii arrin aan laga fiirsanoo aan fiicnayn inay tahay arrintaasi dalkeena inaan dani ugu jirin, Markaa waxaan leeyahay waar waa la noolanayaa dadka waxbaa ka hadhayee waan baahanahay looma bahala cunee yeynan dalkeena iyo dadkeena waxaan macno lahayn u bandhigigoo dhaafsanin”

Hogaamiyaha Xisbiga Mcuaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inay Shacabku xaq u leeyihiin inay hadlaan sidoo kalena la tixgeliyo Haldoorka, Odayaasha iyo dadka Ehlu Sharafka ah ee Qarankan Miisaanka ku leh oo aan hadalkooda laga soo qaadin hal bacaad lagu lisay “Shacabku xaq buu u leeyahay inay ka jawaab waa kuwaa hadlaya Odayaasha iyo dadka muxtarimkaa ee hadlaya annigu odhan maayo waxba kama jiraan iyo waa hal bacaad lagu lisay waxaan arkayey ragga qaar dadafaynayeey, Dadku danahooda way ka hadli karaan waxay u arkaan Maslxad waa dal Dimuqraadiyo ma afduubna way ka hadli karaan way ka jawaabi karaan Shucuurkooday muujin karaan laakiin se inay dadku muujiyaan dareenkooda oo Odayaasha iyo  dadka ehlu sharafkaa la dhegaysto waxaa weeye wixii Sharcigeenu ahaa waa dalkeenu kusoo caano maalay waa wax laynagu yaqaano oo dadka kale ee Gobolkan dheernahay dad iska dhegaysta oo isu qabsooma, oo Ninka odayga ahna Ixtiraamo Ninka Siyaasiga ahina u tudho Dalka.”

Exit mobile version