WAJAALE NEWS

Eng Habane iyo masuuliyiinta ka soo jeeda beel waynta BA Toljecle ayaa beeniyay Warar been abuur ah oo lagu baahiyay Warbahinta Qaarkeed.

habaneHargeisa(Wajaalenews):-Masuuliyiinta ka soo jeeda beesha BA Toljecle ayaa beeniyay war ay dhaaw soo saareen xubno isku magabacaabay aqoonyahanka beesha iyo madax dhaqameedka beesha BA Toljecle.
Sidoo kalena waxa ay sheegay inay shir la yeesheen BA Toljecle oo ay kaga hadleen arimaha doorashooyinka iyo jagada xubnaha u tartaramaya golaha barlamaan ee doorashada soo socota
Masuuliyiinta beesha BA Toljecle oo ka soo jeeda gobolka gabiley ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arinkaasi ay dhawaan mediaha ku baahiyeen dad ku qadhabanaya magaca beel waynta BA Toljecle .
Eng Mohamed Abdirahman Habane cuqaashta iyo wargaradka ka soo jeeda beesha B Toljecle oo shirkaasi ku tilmaamay mid been abuura ah sidoo kalena waxay maasha ka sareen xubnaha isku magacabay inay hormuud ka yihiin beesha BA Toljecle .
Eng habane ayaa baraha bulshadu ku wada xidhiidho ku baahiyay nuqul qoraal ah oo uu arintaasi kaga hadlayo iyo damiciisa siyaasadeed ee jagada murashnimada golaha baarlamaanka jamuuriyada Somaliland.
Waxa uuna intaas ku daray in uu yahay musharaxa beel waynta BA Toljecle ee ka soo jeeda Gobolka gabiley waxa uuna carabka ku dhuftay in wakhti hore arintaasi la dhameeyay sidoo kalena waxa uu fariin adag u diray xubnaha isku magacabay inay shir la qaateen masuuliyiinta cuqaashta iyo waxgaradka ka soo jeeda beel waynta BA Toljecle inay arinkaas oo kale ka wantoobaan.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu ka sheekeeyay taariikhada guunka ah ee beel waynta BA Toljecle iyo kaalinta wayn ee ay ka qaateen halgankii dub u xoraynta jamuuriyada Somaliland iyo sida ay taariikh ahaan ugu suntan yihiin

Wajaalenews.net
Wariye Xasan Cali

Exit mobile version