Moscow kamayna hadal warbixintan uu soo saaray Sirdoonka Mareykanka , balse Ruushku hore ayaa uu u beeniyay eedeyamahan loosoo jeediyay.
Kadib markii warbixin laga siiyay Mr. Trump baadhitaankii ay u soo bandhigeen , Mr. Trump waa uu kagaabsaday inuu canbaareeyo faragalinta Ruushka ee Arrimaha Mareykanka, isaga oo sheegay oo kaliya , in natiijada kasoo baxday baadhitaanka ay sameeyeen Sirdoonka Maraykanka aanu ahayn mid lagu farxo.
Warbixintan loosoo bandhigay Mr. Trump ayaa ka koobnayd 25 Page , iyad oo loogu talagalay inay in loogu iftiimiyo Mr. Trump.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in u jeedada Ruushka ay ahayd inuu abuuro Aamin darro ay kaqabaan xisbiga Dimoqraadiga, oo halkaas ku sharaf rido, si looga guuleysto doorashada.
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane