Sicir-bararku waa mid ka mid ah aafooyinka qaran ee ragaadiya dhaqaalaha dalalka, weliba kuwa dhaqaalohoodu soo korayo, waxa loo baahnaa in Xukuumadda Somaliland ka yeelato siyaasad cad oo isugu jirta waqtiga dhow iyo waqtiga dheerba.
Aragtida Xisbiga ee Labada tallaabo ee xukuumaddu qaaday:
- Goynta sicirka Dollarka iyo Shilinka Somaliland.
- Iyada oo qodobbada lagu aasaasay dastuurka ay saldhig u tahay ilaalinta suuqa xorta ah isla markaana qodobka 11aad farqaddiisa 1aad ay dammaanad-qaadayso suuqa xorta ah, xisbigu WADDANI wuxuu u arkaa in xukuumaddu la timaado qorshe cilmi-baadhis ku dhisan oo lagu xakamaynayo sicir-bararka, laguna dhowrayo suuqa xorta ah ee dastuurku dammaanad qaaday.
- Xukuumadda waxa waajib ku ah in ay siyaasad joogto ah ku ilaaliso sicirka iyo suuqa oo aanay soo saarin go’aamo hambabar ah, isla markaana ku dhisnayn cilmi-baadhis iyo aqoon.
Si arrintani u noqoto mid hir-gasha waa in xukuumaddu qaaddaa tallaabooyin kabaya arrimahaas oo ay ka mid yihiin.
- U soo celinta Baanka Dhexe awoodihiisa.
- Ma habboona in bangiga dhexe lagu maamulo digreetooyin maadaama uu bangiga dhexe leeyahay sharci u gaar ah.
- Soo celinta isticmaalka shilinka Somaliland iyo joojinta isticmaalka lacagaha
- Xukuumaddu ha joojiso in ay cashuuraha ku qabato lacagaha qalaad
- Xukuumaddu ha joojiso in ay qandaraasyada ku jira miisaaniyadda qaranka ku bixiso lacagaha qalaad.
- Si loo dhowro qiimaha lacagta Somaliland waa in la xakameeyaa dabaacadda lacagaha xad-dhaafka ah ee la soo dabaaco ee suuqa la soo geliyo, taas oo ah sababta ugu weyn ee sicir-bararka.
- U soo celinta baanka dhexe maamulka lacagta adag, sidii xukuumadda KULMIYE u timi lacagta Dollarka ah Baanka Dhexe ma maamulo ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa Maamusha.
Sidaas darted, Baanku ma xakameyn karo sarifka lacagta maadama oo aanu maamulin wax dollar ah.
- ZAAD iyo E-dahabku waxay la mid yihiin adeegyo dunida meelo badan laga isticmaalo, waxayna ka mid yihiin arrimaha ka qayb-qaata horumarinta iyo firfircooni-gelinta dhaqaalaha ee lagu ammaanay Somaliland. Waa adeegyo shacbigu u baahan yahay, gaar ahaan danyarta joogta meelaha ka baxsan magaalooyinka. Badbaadada shacbiga ayey ZAAD iyo E-Dahabku ka qayb qaateen xiligii abaarta ee lagu jirey gurmadka iyo samata-bixinta shacbiga.
Lama caddeyn in adeegyada ZAAD iyo E-Dahab wax xidhiidh ah la leeyihiin Sicir-bararka. Ma habboona meel aan cudurku ool in laga baadho, arrintaasi cilmi-baadhis iyo hubsiimo ayey u baahan tahay. Hab-dhaqanka hanjabaadda ah ee xukuumaddu kula dhaqmeyso shirkadaha waddaniga ah waa in la joojiyaa.
Shirkadaha Dahabshiil, Telesom iyo kuwa la midka ahi kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, maal- gelinta, kaalmada mashaariicda horumarinta iyo gurmadka abaaraha waxay kaga jiraan kaalin aan la dafiri Karin.
Sida uu dhigayo qodobka 25aad farqaddiisa 1aad ee dastuurka JSL qofna xoriyaddiisa loogama qaadi karo si aan sharciga waafaqsanayn. Sidaa darteed, Xisbiga WADDANI wuxuu ka soo hor-jeedaa ganacsatada la xidhxidhay, waxana uu dalbanayaa in sida ugu dhaqsaha badan xoriyaddooda loogu soo celiyo.
Md. Axmed Xuseen Fagfagaash
Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga WADDANI