WAJAALE NEWS

DAAWO:Dhismayaasha Qurxoon Ee Nanies Guest House Iyo Doorka Ay Ku leedahay Bilicda Caasimada Hargaysa .

Hargaysa(Wajaalenews)Tan iyo intii dhidibada loo taagay dalkan jamhuuriyada somaliland oo hada baarka ka jaray rubuc qarni (mudo 25sano ah) ka dib burburkii  balaadhnaa ee uu dalka soo gaadhsiiyay taliskii rajiimka ahaa ee siyaad bare  waxay shacabka somaliland maalin ba maalinta ka danbaysa ku talaabsanayeen horumar laxaad leh oo  dhinacyo badan leh oo ay ka mid tahay  adeegyada ay shacabku u baahan yihiin,

Caasimada somaliland ee Hargaysa ayaa ah magaalo ka soo kabanasa burburkii soo gaadhay iyada oo haatan marasa meel ay ka socdaan dhismayaal bilcoon kuna dhaw in ay la tartanto caasimadaha dalalka caalamka iyo kuwan dalalka jaarkaba waloow ay haysataan kuwaasi la macaamilka Dunida,

Meelaha somaliland shacabkoodu ay aadka uga horumareen ayaa ah xaga dhismayaasha ganacsiga,  guryaha ay dadwaynuhu dhistaan oo xiligan maraya halkii ugu casrisanayd sidoo kale waxaa mudooyinkii u danbeeyay magaalada Hargaysa laga hirgaliyay guryo casriya ismarkaana leh dhamaan adeegyadii  ay u baahnaayeen ciskasta oo degaysa.

 

 Hadaba NANIES GUEST HOUSE  Waa Company ay leeyihiin muwaadin reer somaliland ahi isla markaana aad ka Helayso adeegyo kala duwan kuwaasi oo ay kamid tahay dhisida guryo casriya oo loogu talo galay in ay degaan qoys ama qof gaar u degaya, sidoo kale waxay shacabka u dhisaan guryo amaba meherdo ay bilicdoodu raaliganyso,Waxayna guryahan casriga ahi ku yaalaan agagaarka maansoor kasoo horjeedka JAAMACADA ADMAS COMPUSKEEDA KOWAAD,

 

  Sidoo kale Nanies Waxay  kuu samaysay  Goob lagu Jimicsado    Rag iyo DUMARBA  LEH Dhamaana ay yaalaan qalabka jimicsiga kala duwan kuwoodii ugu casrisanaa

waxayna ku taalaa jidka isku xidha xaafada xero awr iyo Huteel Mansoor amaba agagaarka isgoyska TOTAL,

Exit mobile version