WAJAALE NEWS

Maraakiib Shisheeye Oo Xaaluf Ku Haya Bada Saylac Iyo Ugxaantii Kaluunka Oo Baco Lagu Mooriyay Oo Dibada Looga Soo Saaray Badda +Haamo Oksanjiin oo ay u isticmaalayaan

Hargeysa (Wajaalenews) – Qaar ka mid ah Maraakiibta shisheeye oo Dalka Masar laga leeyahay oo ka kaluumaysata Badaha Somaliland ayaa Xaalufintii ugu cuslayd ka gaysanaya Badda Saylac, Waxa ay gabi ahaanba Xaadhayaan Gunta badda,Waxa kale oo iyaguna jiro Laashash yar oo aad u faro badan oo shirkad gaar ahi leedahay oo iyaguna Baco ku moorinaya Ogxaantii Kaluunka samaynayay,Waxaana uu noo Xaqiijiyay masuulka ka madaxda ah Shirkadaasi inay jirto arintaasi oo ay Mooriyaan Kaluunka Shacaabiga ah oo isagoo nool ay dibada u qaadaan islamarkaana ay dibada u soo saaraan Badda,sidaana ay ugu dhoofiyaan wadanka Sirilaanka,oo ay ka soo jeedaan Ragga farsamadan casriga ah ee halista ah gacanta ku haya,oo ah sagaal nin oo u dhashay dalka Sirilaanka.

Warar Qaylo dhaan ah oo Naga soo gaadhay Deegaanka Gobolka Salal gaar ahaa Degmada Saylac ayaa sheegaya in halkaasi si weyn looga dareemay Maraakiibta Kaluumaysiga ee shisheeye oo aad ugu soo badanaya,Waxa ay dadka deegaankaasi ku nooli noo sheegeen in Maraakiibtaasi ay ku jiraan Kuwo bada hoosteeda quusaya oo Xaalufinaya Guud ahaan Shacaabigii yar yar ama Ugxaantii ee badda gunteeda fadhiyay ee Kaluunku ka dhalanayay, waxaana ay sheegeen in haddii ay Xaaladu sidaasi ku sii socoto ay Badaasi xaalufayso oo aan boqolka sano ee socda kaluun laga sugayn. Waxa nasoo gaadhay Sawirka Qalab ku cusub Badaha Somaliland oo muujinaya sida ay Shirkadahaasi iskugu diyaariyeen inay xaalufiyaan Badaha Somaliland oo aanay u aabo yeelin Mustaqbalka. Waxa Shirkada Laashashka wadata Madax ka ah oo horkacaya oo wakiil ka ah Nin Reer Somaliland ah kaasi oo madax ka ah Shirkad Ruqsad loo siiyay ka ganacsiga SUBUL BAXARKA oo bada laga kireeyay, Balse aan waxba dhaafayn oo wax walba jaraafanaya,Waxaanay Masuuliyiinta shirkadaasi si xilkasnimo darro ku jirto u sameeyeen farsamooyin casri ah oo aanay Xukuumaddu ka warhaynin,Waxa ay bad gunteeda ka soo guraan Ugxaanta Kaluunka waxaanay Sida ka muuqata sawirada lanoo soo diray ku mooriyaan Baco Kuwo Iskiriinka lagu xidho oo kale ah,Dibada ayay badda uga soo saaraan dabadeedna waxa ay ku sameeyeen bacarimin.
Wargeyska Foore oo xidhiidh toos ah la sameeyay Masuulka Shirkadan Laashashka Wadata ee halista badan laga soo sheegayo oo lagu magacaabo Mursal Xasan Cabdi ayaa noo sheegay inuu isagu masuul ka yahay Shirkada Qalabkan Khatarta badan la timid Saylac waxaana uu ka gaabsaday oo uu diiday inuu ka hadlo ama uu faah faahin ka bixiyo Waxa lagu eedaynayo,Waxa uu si kooban u yidhi sidan ““Haa waa Way jirtaa Arintaasi,Bacahaasi Biyaha Lagu Mooriyay,Oxygine-taasi,Iyo Qalabkaasi Kaleba waa Qalabkii Shirkadayda,Kuwaasi waanu ka shaqaynaa,Kamana Hadlayo arintaasi imika,Waa shaqadayadii,Cidna uma warami karno,Waxaanan joogaan Saylac oo shaqadii ayaan kujiraa”ayuu hadalkiisa ku soo koobay isagoo telefanka nagu jaray. Wararkan ayaa intaa ku daraya in Kaluumaysatadii Reer Saylac ay soo food saartay xaalad adag oo u saamixi wayday inay helaan Nolol maalmoodkooda kadib Shirkadahan bada Saylaca ku sugun ee ajaanibka ah oo xaalufiyay Badda Somaliland oo muddoba walaac laga qabo sida loo xaalufiyey

Exit mobile version