|
|||||
WAJAALE NEWS
Maraakiib Shisheeye Oo Xaaluf Ku Haya Bada Saylac Iyo Ugxaantii Kaluunka Oo Baco Lagu Mooriyay Oo Dibada Looga Soo Saaray Badda +Haamo Oksanjiin oo ay u isticmaalayaan
January 17, 2017 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews) – Qaar ka mid ah Maraakiibta shisheeye oo Dalka Masar laga leeyahay oo ka kaluumaysata Badaha Somaliland ayaa Xaalufintii ugu cuslayd ka gaysanaya Badda Saylac, Waxa ay gabi ahaanba Xaadhayaan Gunta badda,Waxa kale oo iyaguna jiro Laashash yar oo aad u faro badan oo shirkad gaar ahi leedahay oo iyaguna Baco ku moorinaya Ogxaantii Kaluunka samaynayay,Waxaana uu noo Xaqiijiyay masuulka ka madaxda ah Shirkadaasi inay jirto arintaasi oo ay Mooriyaan Kaluunka Shacaabiga ah oo isagoo nool ay dibada u qaadaan islamarkaana ay dibada u soo saaraan Badda,sidaana ay ugu dhoofiyaan wadanka Sirilaanka,oo ay ka soo jeedaan Ragga farsamadan casriga ah ee halista ah gacanta ku haya,oo ah sagaal nin oo u dhashay dalka Sirilaanka. Warar Qaylo dhaan ah oo Naga soo gaadhay Deegaanka Gobolka Salal gaar ahaa Degmada Saylac ayaa sheegaya in halkaasi si weyn looga dareemay Maraakiibta Kaluumaysiga ee shisheeye oo aad ugu soo badanaya,Waxa ay dadka deegaankaasi ku nooli noo sheegeen in Maraakiibtaasi ay ku jiraan Kuwo bada hoosteeda quusaya oo Xaalufinaya Guud ahaan Shacaabigii yar yar ama Ugxaantii ee badda gunteeda fadhiyay ee Kaluunku ka dhalanayay, waxaana ay sheegeen in haddii ay Xaaladu sidaasi ku sii socoto ay Badaasi xaalufayso oo aan boqolka sano ee socda kaluun laga sugayn. Waxa nasoo gaadhay Sawirka Qalab ku cusub Badaha Somaliland oo muujinaya sida ay Shirkadahaasi iskugu diyaariyeen inay xaalufiyaan Badaha Somaliland oo aanay u aabo yeelin Mustaqbalka. Waxa Shirkada Laashashka wadata Madax ka ah oo horkacaya oo wakiil ka ah Nin Reer Somaliland ah kaasi oo madax ka ah Shirkad Ruqsad loo siiyay ka ganacsiga SUBUL BAXARKA oo bada laga kireeyay, Balse aan waxba dhaafayn oo wax walba jaraafanaya,Waxaanay Masuuliyiinta shirkadaasi si xilkasnimo darro ku jirto u sameeyeen farsamooyin casri ah oo aanay Xukuumaddu ka warhaynin,Waxa ay bad gunteeda ka soo guraan Ugxaanta Kaluunka waxaanay Sida ka muuqata sawirada lanoo soo diray ku mooriyaan Baco Kuwo Iskiriinka lagu xidho oo kale ah,Dibada ayay badda uga soo saaraan dabadeedna waxa ay ku sameeyeen bacarimin. Related posts:Dhacdo Ugub Ah Oo Ka Dhacay Xaafada Gantaalaha Ee Magaalada Iyo Qaabka Gurigooda Looga Xaday Gabadh ... “Haddaad Jimcaha Geel Aad Adigu Leedahay U caano Doonato, Caruurtii Masuuliyadu Kaa Saaraydna Caano-... "Madaxweyne Biixi Waxa Uu Si Cad Noogu Sheegay In Aanu Sii Daynayn Shirkada Fly Dubai"Xil. Caano-boo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|