WAJAALE NEWS

Labada Hogaamiye Mucaarad Faysal Cali Waraabe Iyo C/raxman Ciro Oo Mudo Dheer Kadib Shalay Kulan Xaasaasi Kuwada Yeeshay Magaalada Hargaysa Iyo Ujeedada Kulankooga

Hargeysa(wajaalenews)-Murashaxiinta xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo Eng Faysal Cali Waraabe ayaa muddo dheer kadib shalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Kulankan oo aan wax war ahi kasoo bixin asyaa waxay warar xog ogaal ahi wargeyska Geeska Africa u sheegeen in ay labada murashax kaga wada hadleen arrimo basdan oo ay ugu muhiimsan tahay doorashada madaxtooyada ee qorshaysan inay qabsoonto March 2017-ka iyada oo ay dalka ka jirto xaalad abaareed oo aadag .

Faysal iyo Cirro ayaa la sheegay inay isla garteen qodobadii ay ka wada hadleen.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyada oo  maanta ay gudida doorashooyinka qaranka Somaliland kulan albaabadu u xidhan yhiin iskugu yeedhay murashaxiinta saddexda xisbi qaran  ee WADDANI,KULMIYE iyo UCID kaas oo lagaga wada hadlayo doorashada madaxtooyada Somaliland iyo qabsoomideeda.

 

Exit mobile version