WAJAALE NEWS

Kulan Xaasaasi ah Oo ay Xalay Iskugu Yimaadeen Gudoomiye Muuse Biixi Iyo C/raxmaan Maxamed C/lahi Ciro Iyo Ujeedada Kulankaasi

Hargesa(wajaalenews)Janaury.22,2017-Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in xalay kulan albaabadu u xidhnaayeen uu dhex maray labada murashax ee xisbiyada KULMIYE iyo  WADDANI oo ay murashaxiin ka kala yihiin Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Waxaana kulankani sida ay xogahani noo sheegeen uu  ka dhacay xafiiska murashax Muuse Biixi isaga oo halkaasi booqasho kadis ah murashax Cabdiraxmaan Cirro xalay ugu tagay dhiggiisa Muuse Biixi waxaana dhex maray sida naloo sheegay kulan khaas ah oo ay isku kaliyeysteen.

Si dhaba looma oga waxyaalaha ay labadan murashax ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi ka wada hadleen,balse xogahan ayaa iftiimiyey in ay  isla soo qaaadeen kana wada hadleen dib u dhaca ku yimi doorashada madaxtooyada Somaliland ee ka dhalatay xaaladan adag ee abaareed ee ka jirta dalka Somaliland gaar ahana deegaanada gobolada bariga Somaliland iyo waliba sidoo kale gurmadka dadka tabaalaysan ee ay cadhaysay abaatu.

Kulankan dhex maray labadan murashax iyo booqashadan kadiska ah ee uu xalay Dr Cabdiraxmaan Cirro ugu tagay dhiggiisa Muuse Biixi ayaa ilaa hada si dhaba loo garanayn natiijada kasoo baxday kulankan ay isku kaliyaysteen labadan murashax

 

Exit mobile version