WAJAALE NEWS

Xukumada Somaliland Oo Wefti Culus U Diraysa Dalka Jabuuti

Weftiga baxaya waxa ka mid ah Wasiiradda Arrimaha gudaha, Dibedda, Wershadaha iyo labada Taliye Ciidan

 

 

 

 

 

 

Hargeisa(Wajaale-News)-xukuumadda Somaliland ayaa Maanta u diraysa Dalka Jabauuti wefti culus oo ka kooban wasiiro iyo Taliyayaasha ciidanka Qaranka Somaliland.

Weftiga baxaya waxa ka mid ah Wasiiradda Arrimaha gudaha, Dibedda, Wershadaha iyo labada Taliye Ciidan, waxaanay wararka hordhaca ahi sheegayaan ujeedada socdaalkoodu inuu la xidhiidho sidii wadahadal dhinacyo badan leh ay uga wada yeelan lahaayeen labada dal arrimo jabuuti u aragto in wax laga qabto.

Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland oo dhawaan booqday dalka jabuuti ayaa markii uu dalka ku soo laabtay sheegay in Dalka Jabuuti ka cabanayo arrimo la xidhiidha dhinaca kootarabaanka isla markaana ay balanqaadeen Somaliland ahaan in ay wax ka qabanayaa.

Si kasta ha ahaatee, Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegayaa dhinaceeda in ay aqbashay codsiga Dalka Jabuuti uga yimi, isla markaana waxa la filayaa in uu Somaliland yimaado safiir ay hore labada dal ugu heshiyeen in ay is-dhaafsadaan.

Dhinaca kale, Dalka Jabuuti waxa ku sugan madax dhaqameed iyo siyaasiyiin Reer Somaliland ah oo dalkaasi u tagay Dacwada Ganacsade Jaamac Oomaar kaasoo sababaha ay xukuumadda Jabuuti u xidhay kootarabaanku qayb ka yahay.

Illaa hada lama oga madaxda Somaliland in ay iyana xoojin doonaan arrintya Jaamac Oomaar oo ay kala hadli doonaan Madaxweyne Siilaanyo iyo inkale, wallow wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland xukuumadda Jabuuti kala hadlay xadhiga Jaamac Oomaar oo ah Ganacsade Somaliland asal ahaan ka soo jeeda isla markaana Cashuurta ugu badan dalka bixiya

Exit mobile version