Waa maanso aan kaga hadlayo xaaladaha qallafsan ee maanta bulshadeenu la daalaa-dhacayso.
Murtiyo tabaheeda
Maraaro-dhiggeeda
Anoo maxamud bal
Markeba u cidaadin
Ayuu millil dhiigay
I maax godliyaaye
Waxaa I mudaaya
Sidii mudac fiiqan
Maqaarka dhilaaya
Halkaynu marayno
Moraal xumadeeda
Mugdiga arrinkeena
Murgidda xadhkihiisa
Hadday madaxdiiba
Masiir ummadeedka
Majare u daygiisa
cabdow ka masuugto
Madhuufe dadkaasi
Mankooduna shiiqye
Markayse darnaato
Miskaha lagu ciiro
Waxaa leh miskiine
Maraaxilka taagan
Maroorka dhaqaale
Murdiso leefleefka
Manuus uugaanka
Cidday micidiisu
Miriirsiyaysaaba
Maxaysato weeyi
Markii la mildhaaway
cid maamusha wayday
Maciishadda heedhe
Cirkaa lagu meershay
Waxay murgugaaftay
Malaayin dan lay ah
Mujooyinka ooyay
Mirtii dhexe qaaqle
Maxaa lagu kaalin
Maxasta goolmooni
Madhnaanta caloosha
Wataa meehanawga
La wada murugootay
Midhbaanse tebaaye
Ninkay maaraynta
Mushkilo xallinteedu
Miciin ka sugaysay
Miyuu horta dhaaday?
Miniin ka miniinba
Ilaa mi’atayn gu’
Abaar inna miiqda
Harraad miyi eedo
Magaalana jiidha
Maseeya dalkoo dhan
Ma wayno dadoowe
Miyaan la gudbaynba
Masiibada weeran
Mataano is-eegta
Midkood ka kaleeto
Maqnaansho u diido
Miyaan la ahaanay?
Biyaha mulacleeya
Majiiraha daadka
Mahwiga dananaaya
Moos aan ku dabbaalno
Madhxin iyo kaydso
Miyaan tahli waynay?
Maadh aad dhididaabu
Muruqu keenaaye
Meerarkiyo beerta
Miigaynta qodaalka
Maxaa lagu daayay?
toloow maankeenna
Maxaa ku dahaadhan?
Malkada caafimaadna
Muhiimadda weeyi
Bulshada milgaheeda
U muunad horaysa
Mashaqo halisaaba
Mandhawse ka taagan
Dawooyin mulaaqa
Malleel iyo huube
La soo maydhaamay
Suntaa midabaysan
Dadkii madiyaysay
Mariidka qofkii ah
Kiniino la miisay
Sidii milix iib ah
Markii la magaabshay
Moxogga iyo beerka
Miyay ka wareentay
Madluunka xanuunka
Meeraysi waliilka
Mihnad dhakhtareeda
Magaan ku shaqaysta
Midh aanse taraynin
Muxuu u dan sheegtay
Manaxe cadawgiina
Marada faraqeeda
Maaleey uga buuxi
Maalkiina ka reebay
Midigtu naafawday
Macaash dhagaraysan
Muxuu la carraabay
Miroow bukihiina
Muquur sakaraadda
Muxuu la abaaday
Maydkiisa la jiiday
Mid wayga su’aale
Yaa maaruqiddaasi
Masuul ka ahaaday ?
Mishiino shidaalka
Mucdiisa dayaaya
Haddii la milkeeday
Dawada milaygeeda
Tayada midhaheeda
Minaahidin eegga
Maxaa lagu dhaafay
Hadmuuse matoorku
Muwaadin jibaaday
Mudnaanta ka yeeshay?
Markaad cuganayso
Bulshooy masanuunta
Miqyaaska janjeedha
Miisaan li’idaadu
Wataa ku malgaysa
Mid reer hebel sheegta
Maqiiq u difaaca
Maxaafsade tuuga
Maamuus ku cayuuqa
Miyaanad ka daalin?
Maxaadse ka dheeftay?
Bulshooy mudutuusha
Maqaar geed saaran
Maqluub duugoobay
Muraajacadiisu
Miyaanay dhamaanin ?
Mallooliga qoodha
Haddaanad ka miirin
Maan-laawaha doobya
Maxaadh u dabaysan
Maddaale ku tiirsha
Maqaam sare gaynin
Maxsuul lagu reeyo
Wallee ma mahiibtid
Maseexdaha jiidda
Marlayda diciiftay
Haween milicdaasi
Milgooy u jarmaada
Masruufka agoonta
Nin maala tunkiisa
Midiidin saboola
Macallin iyo kuuli
Mullaaxda xaqooda
Maxaa laga haagay
Mirqaan lagu oogay
Nin moog sifaheedu
Minaarad ka jeexday
Meeriskaba fiidka
Mayrac galabeedda
Markuu hoyanaayo
Marbaa la tirshaaye
Bulshooy maqalkaaga
Furaha moodkaaga
Ninkaad ku marriintay
Mar uun ka xisaabi
Wixii maqan raadi
Miyaad garan wayday?
Siddiiq miyir beelka
Mudaan ku dagnaaye
In aan miiraabo
Miyaan la filaynba?
Maalkaaga nin raacay
Madaa la tusaaye
hadaad uga maagtay
Muddayniyo xeerba
Moofeeyaha baasi
Siduu maalaayo
Muquuno la siiyay
Miskeeday hashaada
Adoo macaluulay
Mudh iyo andariira
Muraara-dillaacsan
Ninkii ku midhsiibay
Madhiyay haantaadu
Hadduu muusoodo
Maaweelo ku heeso
Muxubbo heelloodka
Mashxarad la kacaaga
Waxaan ku masaalo
Maskaxdu garanwayday
Siyaasi muraadle
Markay danihiisu
Mus ay ka galaanba
Intuu ku majeerto
Meexaano qabiilka
ku meersho xiskaaga
Ayaad muldhataayo
Sidii mas dilaaya
Martabad saarkiisa
Macsuun u dhiggiisa
U soo muhataaye
Car maalin qudhaata
Manfaaciga laalan
Magoolka hagaasay
Maatida oon laayay
Sixada miinawday
Maryaad bayhoofka
Intaad is-maleegto
Mayeelayo taa dhe
Miidaanu taxriirka
Mar uun bal istaaga
Car maalin qudhaata
Waxaa musuqmaasuq
Mareegaha goostay
Mallaalka gadaaya
Rugtiyo minankaaga
Intaad u midawdo
Ma yeelayo taa dhe
Miidaanu taxriirka
Mar uun bal istaaga
Car maalin qudhaata
Intaad mudh u toosto
Cadliga marinkiisa
Madawgu hadheeyay
Shuruuc miis taalla
Muraad qumiskeeda
Mashruuc lagu qaato
Malluug beeneedda
Ma yeelayo taa dhe
Miidaanu taxriirka
Mar uun bal istaaga
Car maalin qudhaata
Mudanka dhashaada
Miiddii hilbahooda
Intuu murmureeyay
Maggafe bidhanaayo
Waxaa inan miiggan
Midhaafay badwaynta
Mustaqbal li’idooda
Mayeelayo taa dheh
Miidaanu taxriirka
Mar uun bal istaaga
…………………………………………………
Cabdirisaaq Maxamed Muse