Jabuuti(Wajaalenews) Madaxwaynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Iyo Raysal Wasaaraha Dalka Etoobiya Hayla maryan Desail ayaa manta si wada jir ah xadhiga uga jaray khadka tareen casriyo oo labadan dal yeelanayaa taasi oo noqonaysa in Dalalka Jabuuti iyo Etoobiya ay noqdaan dalalkii ugu horaysay ee qaarada afrika yeeshay Tareenka Casriga ah ee u kala gooshi doona labadan dal.
Munaasibadan oo ka dhacday dalka jabuuti ayaa waxaa halkaasi ka hadlay hogaamiyayaasha laba dal oo sheegay ahmiyada ay u leedahay guud ahaan geeska.